Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Dowladda Federaalka oo dhexdhaxaadinayso Maamulka Maxamed Dheere iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay

Kadib markii shalay la wareegeen Xarumaha UNDP,UNICEF iyo WHO Maleeshiyooyin Daacad u ah Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb ayaa Afhayeenka Dowladda Federaalka C/raxmaan Diinaari waxaa uu saaka ka sheegay magaalada Jowhar inuu jiro qorshe Dowladda wado oo lagu xalinayo waxyaabaha ka dhaxeeya Labada Dhinaca.

Diinaari waxaa uu sheegay in goor dhaw la dhameyn doono khilaafka sababay in Maleeshiyada Maxamed Dheere qabsadaan xarumaha hay’adaha UNICEF, UNDP iyo WHO ee Magaalada Jowhar.Wararka ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ku howlnan yahay inuu xaliyo khilaafka u dhaxeeya Maamulka Maxamed Dheere madaxda u yahay iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay.

Maleeshiyada Maxamed Dheere ayaa weli ku wareegsan Saddexdaas qeybood ee ay deganaayeen Hay’adaha Qaramada Midoobay, waxayna diideen in shaqaalaha Soomaalida ah ee halkaas ka howlgali jiray kala soo baxaan dharkooda iyo Raashinkooda sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar.

Dhawaan ayay ahayd markii Shaqaalaha Shisheeye xaalad amaan xumo looga saaray magaalada Jowhar kuwaas oo loo wareejiyay Waajid iyo Magaalada Nairobi ee dalka kenya

Muxyadiin Cali Jimcaalle jakuula
Muqdisho Somaliya