Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Dowladda fedaralka somaliya ugu baaqdey hay adaha Q. M iney dib ugu soolaabtaan magaalada jowhar oo ay horey u joogeen Jowhay

Saraakiisha dowladda FS EE jooga magaalada Jowhar ayaa manta waxa ay ugu baaqeen hay’adaha Q.M shaqaalahooda maalintii shalay laga raray magaalada Jowhar in ay si deg deg ah ugu soo laabtaan, iyagoo intaana ku daray waxyaabaha xiisadaha dhaliyay ciidamada goobtaasi la geeyay aaney aheyn kuwo dhibaato keeni kara balse ay tahay sababo xagga amniga ah

ku waa soo la geeyey degaano ka tirsan Waajid iyo Kenya ka dib markii ay sheegtay in boqolaalmaleeshiyooyin ah lagu soo uruuriyay Jowhar, iyadoo taana ay ka liftey in xiisado ay dhashaan oo shaqaalaha Q.M la raro.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo wareysi siiyay wakaaladad wararka Reuters waxa uu gaashaanka ku dhuftey hadalad sheegaya in maleeshiyooyinka lagu soo xareeyay halkaasi ay yihiin kuwo looga gol leeyahay in dagaalo ay ku qaadaan goobo ka tirsan dalka taana ay keentay in ay hay’adaha isaga baxaan magaalada Jowhar.

Waxa uu sheegay in Xukuumadda FS ay xaqiijineyso in aysan dhaceyn wax weerar ah habayaraatee Talaabduna ay tahay in amniga la sugo waa sida uu Xayir u sheegay wakaalada wararka Reutres

Waxa uu sheegay in ay aad uga xunyihiin ka bixitaanka shaqaalaha Q.M ee magaalada Jowhar oo ay ku sheegeen in xasiloonidii ay dhumeyso maadaama maleeshiyooyin goobta la keenay.

Arintaan ayaa waxaa walaac ka muujiyey ergeyga Xoghayaha guud ee Q.M u qabilsan arimaha Soomaaliya Francois Foll ka dib markii wareysi dhowaan uu siiyay jariiradda Standard.

Maxmed Qanyare ayaa horey ugu eedeeyay madaxweyne C/laahi Yusuuf in uu ka abuurayo xiisado dagaal gudaha wadanka Soomaaliya, maleeshiyooyink uu daadgureynayana uu ku doonayo in uu ku weeraro raga isaga ka soo horjeeda.

Qanyare Waxa uu ku eedeeyay Geedi iyo C/laahi Yuusuf in ay yihiin kuwo dalka uu ka dagi la’yahay isla markaana ay abuurayaan xiisdo hor leh taasoo uu sheegay in dalka ay ka dhigeyso meel aan waxba ka jirin.

Labadan nin ayuu sheegay in ay yihiin dadka Soomaaliya galinaya farqalada horta leh laakiin xoghayaha golaha wasiirada dowladda FS C/raxmaan Meygaag ayaa waxa uu Reutres u sheegay in aysan jirinw axayaabahaas , waxaan auu ku tilmaamay balan qaadka dowladda In ay fulinayaan aysana jirin wax lagu tumanayo ayna u fulinayaan howlaha dowladda si nabadi ay ku dheehan tahay islamarkaan la xalinayo khilaafka u dhaxeeyo labada gole ee dowladda

 

muxudiin cali jimcaalle jakuula