|
Doonyo Si Sharci Darro Ah Uga Kalluumeysnayey Xeebaha Puntland oo ciidamada
Puntland ay qabteen.
Ciidamada Booliska Puntland oo dhowrkii maalmood ee lasoo
dhaafay waday howgal ballaran oo ay ku beegsanayaan maraakiibta sharci
darada ah ayaa waxay soo qabqabteen Lix doonyood oo Kalluumeysi ah oo laga
leeyahay dalka Yeman.
Doonyahaas ayaa waxaa haatan lagu hayaa dekedda magaalada
Boosaaso, waxayna sidaan shixnado Kalluun ah oo ay ka dabteen xeebaha
Puntland.
Masuul ka tirsan Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland ayaa
Rochester Somali Tv u sheegay in doonyahaasi ay biyaha Puntland ku soo
galeen si sharci darro ah. Lama yaqaan tallaabada laga qaadi doono doonyahan,
Waxaana weli socda olole ay weli ciidamada Boolisku ku baadi goobayaan
doonyo kale oo noocan oo kale ah oo la sheegay in ay ku sugan yihiin xeebaha
Puntland.
Ma aha markii ugu horeysay ee doonyo kalluumeysi oo noocaan
oo kale ah lagu qabto Puntland, waxaana jira dhibaato xoog leh oo dadka ku
dhaqan xeebaha Puntland ay ka sheegtaan Maraakiib hubeysan oo si sharci
darro ah kaga kalluumeyta xeebaha dhow dhow.
Maxamed Cumar Sheekh.
Rochester Somali Tv,Muqdisho.
Mcadde@rstvonline.com
|