| |
Talaabo laga qaadayo Doonyaha tahriibka Soomaaliya ilaa Yaman
Sida laga war-qabo, kumaan-kun qof oo Qaxooti ah, oo ka soo bara-kacay
Dagaallada Sokeeye iyo degganaansho darrida ka jirta qaar ka mid ah Dalalka
Geeska Afrika, ayaa si joogta ah ugu soo qulqula Dalka Yaman, Qaxootigaas oo
u badan Soomaali, waxay qaarkood u sii gudbaan dalal kale oo uu Sacuudigu
ugu horreeyo. Hoog iyo Rafaad aan yarayn bay falkaas Qaxootigu kala kulman,
kamana waantoobaan badankood.
Ma fududa in dalalka kale ee Carbeed iyo kuwa aan Carabta ahaynba ( Cajam
) lagu galo Qaxootinimo iyo qaab kastoo aan Sharci ku dhisnayn. Hase yeeshee
Dowladda iyo Dadka Yamaneed, Damqasho iyo Naxariis bay u muujiyaan dadka
Soomaaliyeed ee dalkooda u soo qaxaya, kana soo firdhanaya holaca dagaallada
sokeeye iyo dac-darrada Somaliya taalla Sanooyinkaan. Abaal bayna dadka
Soomaaliyeed uga hayaan taas reer Yaman. Laakin, waxay arrintanu keentaa; in
dadyow kale oo u dhashay Dalakka deriska la ah Soomaliya, una muuqaal eg
dadka Soomaalida ah, ay magaca Soomaaliyeed ku soo dhuuntaan, kuna soo
galaan dalka Yaman. Sidaasna waxay ku helaan magangalyo iyo tixgelin
.
Ku soo qulqulka Qaxootiga Geeska Afrika ee dalka Yaman, wuxuu la soo
bilowday burburkii Dawladdii dhexe ee Soomaaliya, dabayaaqadii 1990-kii iyo
bilowgii 1991-kii. Barta ugu wayn ee Qaxootiga Geeska Afrika ee Yaman soo
galaya ay iska soo qaban-qaabiyaan, kana soo dhaqaaqaan; waa Xeebaha Woqooyi/Bari
ee Soomaaliya (Puntland). Dawlad-Goboleedka halkaas ka jirtaa, intii
karaankeed ah way ka hor-taktaa falalka Tahriibka ee Yaman lagu soo galayo,
habab dhuumaalaysi ay bayse qaxootigu halkaas uga soo baxaan.
Dhibaatooyin aan yarayn oo; dhimasho, dhaawac iyo dheg-xumo aan la qaadan
karayn, bay socdaallada xagga Badda ah kala kulmaan Qaxootigu. Waxaa aad la
isu waydiiyaa; Hadday Qaxootigu ka soo cararayaan dhimasho, dhaawac, dhac
iwm., maxay haddana ugu soo bareerayaan, dhimasho iyo dhibaatooyin badan, oo
ka sii fool-cun kuwa ay ka sheeganayaan ?!!! Maxay dadku iyaga oo maqlaya
Doonnidii dhowaan baxday inay baddu liqday, waqtiguna yahay "Bad-xiran",
haddana isugu soo qorayaan, isugu soo ciriirinayaan, una soo raacayaan
Doonyaha kuwaas xiga ee weliba duugga ah ?!!!. Waa maxay Haweenkan uurka leh,
oo markii bilahoodii ay dhammaadeen, waqtigoodii dhalmaduna soo dhow-yahay
uun soo raacaya Doonyaha Tahriibka ah ?!!!.
Dadka arrimahan u dhuun-doleela, waxay qiyaasayaan in Badda u dhaxaysa
Soomaaliya iyo Yaman, ay sanooyinkii ugu dambeeyay,, ku le'deen Qaxooti tiro
ahaan ku dhow-dhow 5.000 qof oo reer Geeska Afrika ah, siiba Soomaali iyo
Itoobiyaan. Bilihii 8-aad iyo 9-aad ee sannadkan oo kaliya, lix ruux bay
Doonni ku dhinteen. Doonnidii taas xigtay bay haddana ku le'deen 45 qof.
Laba Doonyood oo kuwaas ka dambeeyay, oo tirada Rakaabkooda Qaxootiga ahi la
ekaa 250 qof, bay baddu liqday. Waxaana ka badbaaday oo kaliya 37 qof.
Markab reer Denmark ah, baa isaguna Badweynta ka dhex badbaadiyay , iyaga oo
biyaha dul-sabbaynaya 39 Qaxooti ah, oo arrintu aad ugu xun tahay, iyagoon
dhiman, aanna noolayn.
Arrimahan oo idil, waxay jaha-wareeriyeen, kana yaabiyeen, dadka
Soomaaliyeed iyo Kuwa reer Yaman ka sokow, Hay'adaha Dawliga ah iyo kuwa
Goboleed ee arrimahanu khuseeyaan, sida laanta Qarammada Midoobay ugu
qaabilsan xagga Qaxootiga ee UNHCR...iwm.Waxaa marar aan yarayn arrintan
iska arkay, kana wada-hadlay ; Hay'adda UNHCR, Wasaaradaha Arrimaha Gudaha
iyo Dibadda ee Yaman iyo Safaaradda iyo Qunsuliyadda Soomaaliyeed ee Dalka
Yaman.
Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Yaman, ayaa waxay dhowaan u soo jeedisay
Talooyin wax lagaga qabanayo Arrintan Safaaradaha Dalalka Jabbuuti iyo
Itoobiya oo uu iyaguna arrinku khuseeyo. Markay Safaaradaha saddexda ahi,
isla falan-qeeyeen, islana waafaqeen Talooyinkii Safaaradda Soomaalida, ayay
u gudbiyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Yaman. Taas oo iyaduna, u
riyaaqday, soona dhowaysay talooyinkaas. Waxay talooyinkan ka guddoomay
Safaaradaha; Wasiir Ku-xigeenka Afrika iyo Aasiya u qaabilsan Arrimaha
dibadda ee Yaman, Danjire/Xuseen Daahir Yaxya. Talooyinkuna waa kuwan:-
(1) In la dejiyo Qaab ay dawladaha gobolku, isaga kaashanayaan, xal u
helidda Qaxootiga soo qulqulaya, iyada oo la isku deyayo, in halkooda lagu
xakameeyo(Boosaaso). Waxaa la soo jeediyay; inay Fadhi degdeg ah igusu
yimaadaan; Masuuliyiinta Hay'adaha ay arrintu qusayso ee dalalka Mandiqada
ah iyo Hay'adaha Dawliga ah ee arrinta wax ku leh. Shirkana an ay
marti-geliso oo dalkeeda lagu qabto Dawladda Yaman.
(2) In la qaado Olole xoog leh oo xagga Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ah
oo laga fulinayo ilaha iyo goobaha ay Qaxootiga iyo Muhaajiriinta kalaba ka
imanayan iyo halka ay ku soo degaanba. Iyadoo dadka lagu baraarujinayo
khatarta TAHRIIBKA.
(3) In Dagaal lagu qaado "Burcadda" wax-tahriibisa, degmo kastaana laga
furfurdeeyo, iyada oo dabagal iyo Ciqaab lagu samaynayo falalkooda
mujrimnimada ah. Iyo weliba in kala war-qaadasho laga sameeyo
dhaqdhaqaaqyada kooxaha wax-tahriibiya.
Muxyadiin Cali Jmcaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya
|
|