| Doonyaha
Dheereeya oo ay leedahay dowladda FGMG soo Gaaray dalka Yemen
Wararka ka imaanaya dalka Yemen ayaa sheegaya inay soo gaareen sedax ka
mida Doonyaha dheereeya ee qoryaha lagu rakibo, kuwaasi oo sida wararku
sheegayaan ka yimid dalka Japan
Qaar ka mida Mas`uuliyiinta dowladda ayaa sheegaya in doonyahan loogu
talagalay burcadda caadada ka dhigatay waxyeeleynta badaha Soomaaliya oo ay
sheegeen in looga hortegi doono isla markaasina ay mas`uuliyada doonyahan oo
laba ka mida ay baaqi ku yihiin dalka Omaan lagu wareejin doono Wasaaradda
gaddiidka cirka iyo badda.
Doonyahan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in laba ka mid ah haatan arimahoogu
ay ka socdaan dalka cumaan, waxaana ku sugan taliyaha ciidamada qalabka sida
ee dowladda federaalka jeneraal Naaji, iyo Saraakiil Yamaniyiin ah oo kala
hadlaya dowladda Cumaan inay sahasho safarada doonyahaasi oo qoryo aaney ku
rakibneyn hase ahaatee la sheegayo in dowladda Yemeni ay diyaarisay
qoryahoodii
Muxyadiin cali jimcaale jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Soomaali
|