Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Dooni sitay shixnad oo dekedda magaalada Kismayo ku soo xiratay shalay oo ka badbaaday burcad badeed wadata labo doonyood.

doontaan oo shalay ku soo xiratay dekedda magaalada Kismaayo ayaa ilo muhiim ah oo ka soo baxay dekeddaasi oo u waramayey RSTV ayaa waxa ay sheegeen in kooxo hubeysan oo wata labo doonyood ay soo eryadeen doonidaani oo sida shixnado ganacsi oo kala duwan oo ay leeyihiin ganacsato Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo isla markaan ay si dirqi uha uga soo baxsatay Burcad badeedaasi ka dib markii ay uga hareen markii ay ku soo dhawaatay dekedda Kismaayo.

Lama soo sheegin waxa rasaas ah oo ay ku fureen kooxaha burcad badeeda doonidaasi.

Dhowaan ayay aheyed markii markab dalxiis ah oo laga leeyahay dalka Mareykanka oo siday dad badan dalxiisayaal ah uu ka baxsaday kooxahani hubeysan ka dib markii uu jiirey doomo ay wateen.

Dhinac kale Isbaheysiga D/jubba ayaa mamnuucay in laga dhoofiyo biraha duuga ah dekedda magaalada Kismaayo, iyadoo iminkana uu dekedaasi taagan yahay markab laga leeyahay wadamada Carabta oo doonaya in uu qaado biro.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somakiya