|
Ciidamada Xeebaha Yemen oo qabtay laba doomood oo Tahriibayaal ah
Ciidamada amaanka Yemen ayaa gacanta ku dhigay laba doomood oo
Tahriibayaal ay saarnaayeen oo ka yimid Gobolka Geeska Afrika oo si sharci
daro ah ku soo galay dalka Yemen dhamaadkii Todobaadkii hore .
Gacan ku dhigida doomahan ayaa waxa ay suura gashay markii is rasaaseyn
xoogan ay dhexmartay ciidamada Yemen iyo kooxdii wadatay doontaasi oo
Soomaali ahaa .
War ka soo baxay ciidamada ilaalada xeebaha Yemen ayaa waxaa lagu sheegay
inay gacanta ku dhigeen laba doomood oo soo galay biyo goboleedka Yemen gaar
ahaa halka lagu magacaabo Bi’ru Cali ee xeebaha Badda Carbeed , waxaana
saarnaa 143 ruux oo ay ku jireen 24 haween iyo afar caruur .
Wargeyska 26-ka September ee ka soo baxa dalka Yemen ayaa waxa uu sheegay
in shaqaalihii saarnaa labadaasi doomood ay isku dayeen in ay iska caabiyaan
askartaasi roondada ka ahaa xeebaha Yemen , waxa ayna rasaas ku soo ganeen
dhinaca askarta Yemen ay ku sugnaayeen , iyadoo arintaasna ay sababtay in
ciidamada Yemen ay ku jawaabaan rasaas iyadoo la soo gacan geliyay
shaqaalihii iyo naaquudayaasha labada doomood oo ka koobnaa 7 ruux .
Waxaa la tilmaamay in is rasaaseynta labada dhinac ay is weydaarsadeen ay
sababtay dhaawaca ilaa iyo laba ruux oo Soomaali ah , waxaana iminka lagu
daweynayaa xera dadka qaxootiga lagu qaabilo , waxaana la shaaciyay in
ciidamada Yemen ay adkeeyeen amaanka doomaha ay qabteen oo laga leeyahay
Soomaaliya , dadka Tahriibayaasha ee soo barakacay ayaa loo xero qaxooti oo
ku taala Deegaanka Meyfaca .
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|