Nin dhaawac ahaa oo lagu eedeynayo dilkii sarkaalkii qaramada midoobay oo
maanta kismaayo lagu xirayhowlgal ay sameeyeen ciidamada amaanka ee
magaalada Ksimaayo ayaa waxa ay xalay ku soo qabteen nin dhaawac ah oo la
sheegay in uu ku lug lahaa dilkii sarkaalkii Q.M ee dhowaan lagu dilay
magaalada Kismaayo.
Ninkaasi ayaa laga helay guri ku yaala mid ka mid ah xaafadaha magaalada
Kismaayo, isagoo dhaawac ah, waxaana saraakiisha Isbaheysiga ay sheegeen in
laga keenyay dhinaca Buulo xaaji oo howlgal ciidamada Isbaheysigu ay ka
sameeyeen ay ku dhinteen 2 ruux.
Ninka Dhaawaca ah ayaa waxaa la dhigay xabsiga gudaha magaalada Kismaayo,
waxaana saraakiisha Isbaheysigu ay sheegeen in ninkaan lagu tuhmayo in uu
qeyb ku lahaa shirqoolkii lagu qaarijiyay sarkaalkii Q.M dhinaca amniga u
qaabilsanaa.
Saraakiil u hadashay isbaheysiga D/jubba ayaa waxa ay sheegeen in ay
jiraan 4 ruux oo ay ku tuhmayaan dilka ninkaasi, iyagoo sheegay in mid ka
mid ah 4taasi nin ay ku dileen tuulada Buulo Xaaji halka mid ka mid ahna ay
qabteen maanta isagoo dhaawac ah
Muxyadiin Cali Jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|