dilalka loo geysanayo dadka aan wax
galabsan oo Muqdisho kusoo badanaya.
shalay ayay ahayd markii wadada Maka Al-mukarama lagu dilay sarkaal ka
tirsanaa xarunta danbi baarisa Soomaaliyed ee CID laguma magacaabi jiray
Maxamed Cisam Coon .
saacado ka dib dilkaasi ayaa xalay kooxo hubeysan waxa ay guri kala
baxeen haweeney degeneed xaafada Barmuuda ee magaalada Muqdisho.
kooxahan ayaa lagu waramayaa in haweeneydii ay ka baxsatay oo ay ku
caratay guri halkaa ku dhawaa oo ay degeneed haweeney ay is garanayeen ka
dibna kooxihii maleeshiyada ahayd waxa ay u dhaceen guriga ayagoo dilay
haweeneydii kasoo carartay iyo midii guriga iska lahayd dhaawacayna wiil
dhalinyaro ahaa oo asna markii danbe dhaawicii soo gaarey u geeriyooday.
lama garanayo waxa dableydan ay ku maageen haweenkan waxaase falkan uu la
xiriiraa falal maalmahan ka jiray magaalada Muqdisho oo lagu beegsanayay
waxgaradka iyo aqoonyahanada ayadoo haweenkan aanay ka mid ahayn dadkaasi
baryahan la beegsanayay.
dableydii geysatay weerarka ayaa u baxsatay goob aan la garanaynin ayadoo
xilliga ay weerarka geysanayeen uu ahaa xilli saq dhaxa ah oo habeen ah
dadkana ay inta badan hurdeen.
Dhinaca kale gudoomiye ku xigeenka gobolka banaadir ee dhinaca amaanka
ayaa kulan deg deg ah la qaatay gudoomiyaasha degmooyinka ay ka dhaceen
weerarada .
gudoomiyaha ku xigeenka ayaa ka dalbaday gudoomiyaasha degmooyinka in ay
wax ka qabtaan amaanka goobaha ay madaxda ka yihiin asagoo dhanka kalena
ka dalbaday ciidanka madaniga ah ee xaafadaha in ay dar dar geliyaan
sugida amaanka xaafadaha ay matalaan inta laga dhisayo ciidankii booliska
gobolka.
Maxamed cumar Sheekh .
Rochester Somali Tv Muqdisho.
|