Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Nin Dhaqtar ah
ayaa maanta lagu dilay Magaalada kismaayo ee gobolka Jubada Hoose.

Barqonimadii maantay saacaddu markii ay ahayd 10:00 subaxnimo ayaa fal ka dhacay isgoyska Balcad ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa toogasho lagu dilay Dhaqtar Cabdi max'ed Aadan oo ka mid ah dhaqaatiirta magaaladaasi gaar ahaan waxa uu ka howlgali jirey goobo caafimad oo ku yaala  xaafadda Via Afmadow ee magaalada Kismaayo.

Toogashadan Dhaqtarkaaan ayaa waxa la sheegay in uu geystay nin ku hubeysan Qoriga nooca AK47, waxaana Goobta uu toogtay dhaqtarka oo aheyd meel dadku ay si aad ah uga dukaameystaan dhaawac uu soo gaaray haweeneey lugta ay ka haleeshay rasaastii lagu dilay Dhaqtarka, waxaana la dhigay haweeneydaasi isbitalka Magaalada Kismaayo.

Warar goor dhaweyd soo baxay ayaa waxa ay tilmaamayan in dilka dhaqtarka lagu macneeyay aano Qabiil, waxaana arintaan ay soo cusbooneyiineysaa falalkii dilka ah ee ka jiray magaladaasi waana falkii labaad ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Arintaan ayaa waxa ay muujineysaa in wali magaaladaasi ay kajiraan kooxo hubeysan oo aan cidna ka amar qaadan falal dil ahna ka wada magaalada Kismaayo, iyadoo falkii ugu dambeeyay lagu qaarijiyay Marxuum Guraage oo ahaa nin Q.M u qaabilsanaa dhinaca amaanka hay'adaha samafalka.

Muxidin Jakula
Muqdisho,Somalia