Kulan lagu
daraasadeynayay dib u dhiska gobolada dalka Soomaliya ayaa maanta ka
furmay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe, iyadoo uu furey
Ra'isulwasaare Geedi.Kulankaan oo
maanta uu furey Ra'isulwasaaraha dowladda FS Prof.Cali Max'ed Geedi ayaa
waxa uu socon doonaa mudo labo cesho ah, iyadoo lagaga hadlayo
daraasadda dib u dhiska dalka Somalia.
Ra'isulwasaare Geedi oo ka hadlay
kulankaasi ayaa sheegay in loo baahan yahay in daraasadda la sameynayo
lagala tashto dowladda Soomaaliyeed maamulkeeda si loo ogaado baahida
ummadda Soomaliyeed ay u qabto.
Geedi ayaa meesha ka saaray in arintaan ay tahay mid lagu raadsanayo
mashaariic yar yar oo fadhiga warqado lagu buuxiyo, waxa uuna kula
dardaarmay aqoonyahanada Soomaaliyeed oo kaashanaya beesha caalamka in
ay hogaanka qabtaan, isla markaana ay soo saaraan baahida rasmiga ah ee
ka jirta Soomaaliya .
Geedi ayaa ku dhawaaqay in daraasadaan ay ka bilaabatay maanta
magaalada Jowhar, islamarkaana lagu qaban doono gobolada dalka kulamo
ceenkaan oo kale ah, isagoo sheegay in marka uu dhamaado kulamada
daraasadda lagu sameynayo dib u dhiska dalka Somaliya decumentiyada laga
soo saaro in la horgeyn doono sanadka soo socda kulan wadamada deeqaha
bixiya ay ku yeelan doonaan magaalada Roma ee wadanka Talyaaniga.
Geedi ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay taageeraan miraha ka soo
baxa daraasadaan lagu sameyn doono dib u dhiska Soomaaliya oo dagaalo ay
burburiyeen . Gudoomiye K/xigeenka 1aad ee Baarlamanka Prof.Dalax oo
hadal kulul ka jeediyay halkaasi ayaa dhaliil u jeediyay beesha
caalamka oo uu ku tilmaamay in qaladaad badan ay ka galeen Soomaaliya
sida hay'adda waxbarashada Q.M ee Unesco oo soo daabcday buug lagu
aflagaadeynayo beel ka mid ah beelaha Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in
la baabi'iyo buugaasi gabi ahaantii .
Dhalxa ayaa kula dardaarmay quburada ka qeybgaleysa kulankaasi in
aysan dhicin qaladaadkii horey uga dhacay dalka Soomaaliya xiligii uu
dalka uu ka talinayay Marxuum Siyaad Barre oo daraasado la sameeyay lagu
qalday gobolo ka mid ah Soomaaliya, isagoo tusaale ahaan u soo qaatay
magaalada Afgooye oo laga hergaliyay warshada labanka iyo magaalada
Galkacyo oo laga hergaliyay Warshadda Galeyda , taasoo uu ku tilmaamay
mid lagu qalday dadweynaha Somaliyeed.
Kulankaan mid la mid ah ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Nairobi,
iyadoo halkaasi looga dhawaaqay in la bilaabayo kulamo daraasad lagu
sameynayo dib u dhiska dalka Somalia
Muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya