Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dibadbax looga soo horjeeday dilkii C/qadir Yaxye oo maanta Muqdisho ka dhacay.

Dibad bax ballaran oo looga horjeedo dilkii dhawaan Muqdisho loogu geystay C/qadir Yaxye agaasimihii hay’ada cilmibarista iyo wadatashiga CRD ayaa maanta ka dhacay woqooyiga magaalada caasimada ah ee muqdisho.Dibadbaxan oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka ururka USC/SSA/SRRC oo ka arimiya degmooyinka Shangani ,Boondheere C/casiis iyo Shibis ayaa waxaa kasoo qeyb galey dadweyne aad ufara badan , mas’uuliyiinta ururkaasi iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’ada cilmi baarista iyo wadatashiga CRD .

 Dadkii kasoo qeyb galay dibadbaxan ayaa si weyn u dhaleeceeyey dilka loo geystay C/qadir Yaxye ayagoo ku tilmaamay nin nabada u ololeyney .Jibril Ibrahim Cabdulle oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’ada cilmibaarista iyo wadatashiga CRD  oo dibadbaxaasi ka hadlay ayaa sheegay in C/qadir Yaxye uu baneeyey kaalin weyn oo aan shacabka looga maarmin .

 Mr. Jibril ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan howlihii ay u hayeen shacabka Somaliyeed oo aanay u jixinjixi doonin una hakin doonin howshooda hanjabaad ka imanaysa kuwa aan aqoon danta shacabka .Jibril ayaa sidoo kale sheegay in gacanta lagu soo dhigi doono kuwii geystay falkii foosha xumaa ee lagu dilay allaha u naxariistee C/qadir Yaxye.

 

Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho.

Cadde_8@hotmail.com