Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dibad bax looga soo hor jeedo xiritaanka Garoonka Dayniile ayaa maanta ka dhacay isla Garoonkaasi

Dibad bax balaaran oo lagu diidan yahay joojinta diyaaradaha qaadka duulimaadyada ay ku yimaadaan garoonka Dayniile ayaa maanta ka dhacay degmada Dayniile.

Dibad baxayaashaan oo u badnaa dumar iyo Rag dhalinyaro ah ayaa basas ay la socdeen markii uu gaaray garoonka Dayniile waxa ay ku hor mudaahiraadeen duuliyeyaasha iyo shaqaalaha 6 diyaaradood oo qaad maanta keenay garoonka Deyniile, iyagoo ku qeylinaya " marabno in garoonka Dayniile laga badalo qaadka soo gaara Muqdisho".

Dadkan ayaa markii dambe kala dareeray, iyadoo aan cidna la hadlin, waxaana banaanbaxoodii ay ku badaleen iibka qaadkii ay soo doonteen, inkastoo ay muujiyeen walwalka ay ka qabaan garoon ka fog Dayniile qaadka ka soo daga iyo halista ka imaan karta isbaarooyinka ka sokeeya.

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com muqdisho somaliy