|
Dhac iyo
jirdil loo geystay dadka ku safra wadada Wallaweyn iyo Afgooye
Waraka ka
imaanay gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in dad safar ah niman dabley
ahi ay xalay ku dheceen wadada isku xirta degmooyinka Afgooey iyo wanlaweyn
ee gobalka shabeelaha hoose oo maalmahanba xaalad ammaan darro oo aad u
darani ay ka jirtay.
Dadkan oo saaka
soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wadada laga leexsaday ilaa
iyo 7 gaari oo ay la socdeen dabadeetana laga qaatay isku celcelis lacag
dhan ku dhawaad 8 milyan oo shilinka Soomaliga ah .Dadkan lasoo dhacay ayaa
sheegay in xilli ay marayeen inta u dhexeysa tuulooyinka Tixsiile iyo
Warmaxan xalay saqdii dhexe ay dableydu wadada ka leexiyeen oo dabadeetan
ay baarsho kula dhaqaaqeen.
Qaar ka mida
dadkan lasoo dhacay oo aan saaka kula kulmay boosteejada laga raaco
gawaarida Afgooye ee xaafadda Black sea ayaa ii sheegay in maliishiyooyinka
oo in kabadan 20 gaarayay ay xitaa jirdil u geysteen rakaabka qaarkood
Mid ka mida
wadayaasha gaadiidka wadadaa lagu baartay ayaa ii sheegay in gaarigiisa oo
keliya ay burcaddu ka qaateen ku dhawaad 3 milyan oo kun,isagoo intaa
raaciyay in ilaa 6 gabdhood oo gaarigisa saarnaa jirdil aad u daran loo
geystay.
Marka la eego
dhammaanba waddooyinka mara gobalka Shabeelaha hose ayaa waddada isku xirta
Afgooye iyo Wanlaweyn waxaa ay ahayd tan ugu ammaanka wanaagsan ,lakin hadda
waxaa ay noqotay wadada ug dhibaatada badan oo dadkuna ay cabsi ku maraan
kaddib markii kooxo burcad ahi ay aad ugusoo bateen.
Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho
Cadde_8@hotmail.com
|