Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dawlada China ayaa ugu Deeqday Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliyeed Deeqa Lacageed oo Gaaraysa $16 Million

wararka ka imaanaya waddanka shiinaha ayaa tibaaxey in dawladda shiinuhu ay qorsheynayso inay lacag deeq ah siiso waddanka Soomaaliya

Wararkan  aanu ka helay dad lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Dowlada shacabka China ay markii labaad ugu deeqday  dawladda federaalka Soomaaliya  deeq dhaqaalle oo dhan $16.000.000 million oo Dollar, taasoo loogu tala galey in wax looga qabto dib u dhiska dhaqaalle, nabad gelyo iyo horumar  dhinaca Bulshada ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Deeqdan dhaqaalle oo la soo waxaa loo marin doonaa  Safaarada China ay ku leedahay magaalada Nairobi, waxay wararku sheegayaan in dhawaantan uu safiirka China u fadhiya Nairobi uu booqan doono magaalada Jowhar, oo u ah Xarun  DFKG Soomaaliyeed, taas oo uu rabo in uu safiirku ku soo indha indheeyo halkii ay ka dhisan lahaayeen dowladda Shiinuhu  xarun safaaradeed oo ku meel gaar ah.

Safiirka Shiinaha  waxaa lagu wadaa halkaa in uu kulamo la yeesho qaar ka  mid ah madaxda sar-sare DFKG oo ay ka midka yihiin Madaxweynaha, Ra'iisul Wasaaraha iyo Gudoomiyaha Gobalka Sh/dhexe.

Dowlada shiinahu  sidoo kale waxay kal hore Bad gariirkii Tsunami Ugu deeqday DFKG Soomaaliyeed mucaawino isugu jirtay deeq lacageed, mid

caafimaad, matooro, teendhooyin iyo qalab isgaarsiineed oo loogu tala galey degaanada masiibadu saameysay in wax loogu qabto. Dowlada shiinuhu waxay kale oo ballan qaadey in ay garab istaagi doonto DFKG Soomaaliyeed si ay dib oogu soo hanato nidaamkii iyo kala dambeyntii ummada Soomaaliyeed ka maqneyd muddada ka badan 15ka sannadood

Xasan Maxamed Xaaji
Indiana, USA.