Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Deeq lagaar siiyey dadkii ku Gurya beelay Dabkii ka dhacay Ex Warshadii Biraha ee magaaldda Muqdisho,

Qaar kamida Ganacsatada iyo shirkadaha kajira magaaladda Muqdisho & qaar ka tirsan dadweynaha degan gobolka Banaadir ayaa u soo gurmaday, soona gaarsiiyey agab isugu jira qalabka dhismaha, dhar & raashin qoysaskii qaxootiga ahaa ee uu dabku baabi段yey guryihii cooshash-ka ka sameysnaa ee ay deganayeen

Mas置uliyiinta shirkadda xawaaladda Global Money Transfer ayaa deeqdii ugu dambeeyey oo isugu jirta raashin ka kooban bur, sokor & bariis gaarsiiyey qoysaskaasi qaxootiga ah, waxaana deeqdaasi ka guddoomay mas置uliyiinta shirkadda Global guddoomiyaha degmada Dayniile Baashe Max弾d Baare, wuxuuna uga mahadceliyey maamulka Global taageeradooda ay soo gaarsiiyeen qaxootigaasi

Deeqdan ay bixisay shirkadda Global ma ahan tii ugu horreysay & tii ugu dambeysay ee ay shirkaddu Global ku saacido qoysaska Soomaaliyeed ee sidan oo kale ay dhibaatadu u saameyso, waxaana gaarsiin doonaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibeddaha & macaamiisha shirkadda Global sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen

gurmadka loo sameynayo dadka danyarta ah" ayuu yiri agaasimaha shaqada & shaqaalaha shirkadda Global Faarax Shidane (Faarax-Yare), waxaana sidoo kale munaasabadaasi goob joog ka ahaa guddoomiyaha maamulka xarunta shirkadda

Global Muqdisho C/qaadir Guurre

Dhinaca kale, qaar ka tirsan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho ayaa is-weydiinaya sababaha ay xittaa ugu yaraan u soo booqan waayeen xubnaha dowladda federaalka ee ku sugan Muqdisho qoysaskan qaxootiga ah ee guryahooda ay ku bas-beeleen dabkii ka kacay halkaasi, waxaana muuqata in mas置uliyiinta dowladda aysan wax dareen ah ku hayn dhibaatada ku habsatay shacabka ay mas置uliyadooda sheeganayaan, ayna mashquul ku yihiin khilaafaadka dhexdooda ah.

Muxyadiin Cali jimcaalle Jauula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya