Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

Dawladda Minnesota oo qarka u saaran in la xiro
Baarlamaan kala qaybsan iyo dawlad la xiro Soomaaliya kuma koobna.

 Maanta oo ah bisha June 30 keeda aqalka baarlamaanka Minnesota waxaa ka socda xusul duub iyo heshiisyo hoose si loo badbaadiyo xiritaanka dawladda Minnesota qayb ka mid ah.  Haddii caawa habeen kala bar lagu guulaysan waayo waxaa ay reer Minnesota birimo luulyo ku ciidi doonaan dawlad qayna shaqaynayso qaybna xiran tahay.  Dagaalkan waxaa uu ku qotomaa khilaaf xagga sharci dejinta oo la xiriira miisaaniyadda gobolka iyo siyaasadaha iska soo horjeedoa

 Gudoomiye maxkameed oo maanta qoraal soo saaray ayaa ku baaqay in hadii wax kasta la xiro aan la taaban adeegga dhinaca caafimaadka. 

 Meelaha uu saamayn ku yeelan doono waxaa ka mid ah:

 Meelaha laga goosto shatiga baabuur wadida
Adeegga wadooyinka iyo meelaha musaafuriinta ku nastaan ee wadada dhexdeeda

Daryeelka caafimaadka

 Waxaa aad looga shaqaynayaa in xiritaanka dawladda gobolka aanay saamayn ku yeelanin gaadiidka dadweynaha, nabadgelyada, iyo dhamaan adeega muhiimka ah.

 Baarlamaanka maraykanka gaar ahaan Minnesota ayaa iscanaadkiisa uu la mid yahay baarlamaanka cusub ee Soomaaliya weliba uga sii dheereeya kala qaybsanaanta iyo xarig jiidka aan dhamaanayn  iyo kala qaybsanaanta.  Gobolada maraykanka kii ugu danbeeyey oo dawladdiisa la xiro waxaa uu ahaa gobolka Tennessee 2001.

 Iska jir Masawir qaadooyinka (Cameras) laga qotomiyey wadooyinka Minneapolis. 

 Bisha June 7 deeda ayaa si rasmi ah looga qotomiyey qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Minneapolis camerooyin loogu talo galay inay sawiraan ama qabtaan dadka aan raacin calaamadaha nalalka gaadiidka kala haga waa samaafrayaasha eh.  Sharcigan oo dhaqan geli doona Bisha July 7deeda 2005 waxaan dadweynaha Soomaaliyeed uga digaynaa inaany ku sirmin.  Sharcigii iyo nidaamkii wadooyinka ee magaalada oo dhan is isbedelay.  Ganaaxa halkii mar oo uu qof qalad galo waa $130.  

 Habka ay u shaqeeyaan waa:

 Markii uu qofka soo galo wadada oo uu nalka gaduudan daaran yahay ayey sawir ka qaadaysaa taargada baabuurka ama astaanta baabuurka (Plate number)  ka dib qofka ganaaxa waxaa loogu soo dirayaa boostada gurigiisa.

Marlabaad dadweynaha Soomaaliyeed waxaa laga codsnayaa inay ka foojignaadaan warkanna isgaarsiiyaan waayo waxaa dhici karta in dadka qaar aanay ogayn ilaa dhowr ganaax ay helaan.  Camerooyinka laga qotomiyo wadooyinka magaalooyin badan ayaa dunida ka jira laakiin Minneapolis waa ku cusub tahay. 

 Warar dheeraad ah oo ku saabsan camerooyinka  waxaad ka heli kartaa websute ka ah

www.ci.minneapolis.mn.us/stoponred

 

 

 

Waxaa Diyaariyey :Maxamud N.Wardheere
                                   Minnesota.

__________________________________________________