Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Dowladda Kenya oo shuruud ku xirtay safarada dalkeeda heysashada ogolaanshaha Ra`iisal wasaare Geeddi

Hadal cad oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda dalka Kenya ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda KMG ee doonaya in ay galaan dalka Kenya laga doonayo in warqad ogolaasho ah uu ka haysto R/wasaaraha dowladda KMG ee fadhigiisu yahay Jowhar.

War murtiyeedkan oo ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda dalka Kenya ayaa lagu

sheegay in looga baahan yahay wasiirada,Wasiir K/xigeenada iyo saraakiisha sar sare ee dowladda KMG ee doonaya in ay galaan dalka Kenya ama Visaha dalka Kenya ay ku soo lifaaqaan warqad cadeyn ah oo ka socota xafiiska R/wasaaraha dowladda KMG oo u fasaxeysa in uu gali karo dalka Kenya.

Talaabadaan ay ku dhaqaaqday dowladda Kenya ayay ku macnaysay in ay tahay mid fududeyneysa caqabadihii hortaagnaa in ay helaan mas’uuliyiinta dowladda KMG Visaha ama dalku-galka Kenya.

Wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku sheegtay in fursadaan ay uga faa’iideysaneyso soo cusbooneysiinta xaqiijinta tixgelinta sare ee ay Kenya u hayso xafiiska Ra’isulwasaare Geedi oo haatan ku yaala magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Qoraalkan oo 22 bishii September ee sanadkaan ay soo saartay Wasaaradda Arimaha Dibadda Kenya ayaa maanta si rasmi ah loo shaaciyay, iyadoo uu ku saxiixan yahay Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Dhinaca kale Afahyeenka xukuumadda DKM Somaaliya C/raxmaan Diinaari oo RSTV u waramay isagoo ku sugan dalka Kenya ayaa ku macnayeeyey qoraalka ay soo saartay Wasaarada arimaha dibedda Kenya in uu qeyb ka yahay heshiis ay dhowaan wada saxiixdeen Kenya iyo Somaliya

Muxyadiin cali jimcaale jakuula

Jakuula@hotmail.com

muqdisho-somalia