Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Daraawiishta Puntuland oo howl gallo lagu sifeynayo Burcad Badeed ka biloowday G/karkaar

Yaasiin Siciid Xuseen oo ah gudoomiyaha gobolka karkaar ayaa qoraal uu saxaafadda u qeybiyay ku sheegay in falkii burcadnimada ahaa ee ay ku dhaqaaqeen qaar ka mid ah dhalin yaro hubaysan oo dhowaan ka dhacay gobolkaasi uu yahay mid aan loo dulqaadan karin.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada Boliiska islamarkaasina kaashanaya kuwa Daraawiishta ay ku daba jiraan si dhaqso ahna ay u soo qaban doonaan Danbiilayaashii arinkaas ku lug lahaa.Burcadaan ayaa baxsatey ka dib markii Ciidamada Daraawiishta oo aad u xoogan ay ku baxeen ,Ciidamadaan ayaa watey Hubka kala duwan ee Teknikada ah, ciidamada ayaa ama lagu siiyey inay soo gacan galiyaan Burcada si deg deg ah.

Burcadaan ayaa leexsatey gaari xamuul ah oo dad rayid ah ay lahaayeen waan markii ugu horaysey ee gobolada Puntland ay ka dhacdo dhacdo noo caan oo kale ah.

Howlgalkaan oo ah mid aad u balaaran ayaa waxaa horseed ka ah ciidamada duqa degmada Qardho, Cismaan Buux Cali.

Muxyadiin calin jimcaalle jauukla

jakuul@hotmail.com

muqdisho somaliya