| Xubnaha
dowladda FS oo ku sugan Magaalada Jawhar ayaa waxay ka hadleen Daraasaad
lagu samaynayo Gobolada Dalka Soomaaliya.
Haddaba kulankaan uu Shir Gudoominayay K/simaha Ra'iuslwasaaraha dowladda
FS Xuseen Ceelaabe Faahiye isla markaana ay isugu yimaadeen golaha wasiirada
intooda ku sugan magaalada Jowhar ayaa waxa uu ku saabsanaa sidii daraasaad
loogu sameyn lahaa dib u dhiska dalka Somaliya.
Markii uu dhamaaday kulankaasi ka dib ayaa waxaa saxaafada la hadlay
Wasiirka warfaafinta dowladda FS Max'ed Cabdi maareeye oo sheegay in
kulankooda uu ku saabsanaa daraasad Cilmiyeed lagu ogaanayo dib u dhiska
dalka Somaliya.
Waxa uu sheegay si howshaasi u fududadaato Somaliya waxaa loo qeybiya lix
qeybood oo kala ah Somaliland, Puntland, Centeral oo ka koioban Hiiraan, G/gaduud,
Sh/dhexe iyo S/Mudug, S/West oo ka kooban Baay, Bakool iyo Sh/hoose.
koofurta oo ka kooban J/dhexe, j/hoose, Gedo iyo gobolka Banadir.
Waxa uu sheegay wasiirka warfaafinta in lixdaasi qeybood ay lagama
maarmaan u tahay dib u dhiska dalka, xukun wanaaga iyo ku dhaqanka Sharciga,
dib u dhiska wadooyinka, daryeelka bulshada, wax soo saarka iyo Dhaqaalaha.
Wasiirka waxa uu sheegay in qeybahaasi ay sameeyeen si daraasaadka uu u
fududaado in aag walba laga rabo hal isku dubaride iyo 6 xubnood oo khabiiro
ah oo iyagu ka qeyb qaadan doono sameynta daraasaadkaasi.
Qeybahaaasi la soo xuli doono ayaa waxaa la isugu keeni doonaa magaalada
Nairobi bisha dambe, iyadoo halkaasi lagu siin doono Seminaaro lagu barayo
qaabka ay u sameyn lahaayeen, waxaana sameynta daraasaadkaani ka qeybgali
doona dowladda FS UNDP iyo xubno ka socda Bankiga aduunka.
Muxyadiin cali Jimcaale Jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somalia
|