Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Danjiraha Somaliya u  fadhiya  Q,M,u  ayaa caalamka ka codsadey in gacan laga siiyo sidii Xeebaha Somaliya looga hor tagi lahaa burcad badeed dhibaatada ku haysa Maraakiibta Shisheeye

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Q.M Cilmi Axmed Ducaale, ayaa sidoo kale ku booriyey golaha amaanka ee Q.M inay debciyaan xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya, si markaasi midowga Afrika iyo wadamada deriska ay gacan u geystaan sidii loo tababari lahaa ciiadamo wax ka qabta amaandarida ka taagan dalka.

Mr Ducaale waxa uu u sheegay shir’aad oo ka dhacay xarunta Q.M in beesha caalamka ay dayacday Soomaaliya.

Golaha amaanka ee Q.M ayaa lagu wadaa in maanta uu kulmo, isla markaana uu ka hadlo mushkiladda ka taagan wadanka Somaliya, taasi oo si weyn u cuuryaamisay dhamaan adeegyadii dalka uu lahaa, waxaana golaha uu si weyn uga doodi doodi doonaa sida loogu gudbi lahaa fowdada taagan mudada ka badan 14 sano ee wadanka Somaliya.

Dowladda Somalia ayaa waxa ay wadaa dadaal ay ku dooneyso sidii golaha amaanka ee Q.M ay uga dhaadhicin laheyd sidii Somaliya looga qaadi lahaa xayiraada dhinaca hubka, taasi oo horseedeysa in ciidamo ajnabi ah dalka ay yimaadaan, si ay wax uga qabtaan xaaladda cakiran ee ka taagan dalka somalia.

Xeebaha Somaliya ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay waxaa si weyn ugu soo badanayay Burcad badeed dhibaato weyn u geysatay Maraakiibta shisheeye iyo Doonyaha, taasi oo walaac hor leh ku abauurtay beesha caalamka, waxaana dowladda FS walaac ku haya burcad badeedka ku sii xoogeysanaya xeebaha Somaliya, isla markaana ay codsaneyso in wax laga qabto si maraakiibta u soo socdaasha Somaliya ay u helaan amaan.

Warkii oo English ah Riix Halkan

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya