|
Danjire Fall” Qaramada Midoobay Waxay Go’aansatay inay Howsheedu ku
Balaariso Magaalada Muqdisho, taasi waa go’aan”
Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire
Francious Fall ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ka go’aan tahay sidii ay u
balaarin lahayd howlaha ay ka wado Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka
Soomaaliya,isagoo sheegay inay taasi tahay go’aan ay gaartay Qaramada
Midoobay oo in badan howlo kala duwan ka qabatay Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in xaalada Soomaaliya ay soo martay
marxaladu kala duwan,isagoo sheegay in Qaramada Midoobay markii hore Ciidan
ahaan ku lug yeelatay arrimaha Soomaaliya, sidoo kale wuxuu sheegay in
Qaramada Midoobay ay taageersan tahay dadaalka Dowladda Federaalka
Soomaaliya ka wado dalkeeda.
Waxaa uu sheegay in Qaramada Midoobay looga baahan yahay
inay wax ka qabato arrimaha dalka Soomaaliya,wuxuuna sheegay inay balaarin
doonaan Howlaha kala duwan ee ay ka wadaan magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya
ayaa ku amaanay dadaalka uu wado Danjire Fall oo uu sheegay inuu la yimid
dadaal dib u heshiisaneed oo looga baahan yahay in Labada garab ee Dowladda
qaatan qorshahaas.
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya
|