Danjiraha Kenya ee arimaha Soomaaliya oo Jowhar maanta kasoo
dagay.
wafdi ballaaran uu hor kacayo danjiraha dawlada Kenya ee Soomaaliya ayaa
maanta kasoo dagay garoonka dayaaradaha ee magaalada Jowhar.Wafdiga uu
horkacayo Danjiraha Kenya ee Soomaliya Maxamed Cabdi Afay waxaa la socda
wafdi ka socda WDP hay'dda cunnnada aduunka waxaana ay ujeedka
socdaalkooda lu sheegeen inuu yahay sii deynta shaqaalaha markabka WFP oo
lagu hayso xeebta degmada Xarardgeere.
wafdiga ayaa kulamo la yee;lanaya madaxweynaha dawlada ku meel gaarka ah
ee Soomaalya C/laahi Yuusf Axmed iyo ra'isuwasaare cali Maxamed Geedi si
ay uga dhaadhiciyaan in xukuumada federaalka ay gacan ballaaran ka geysato
sii deynta markabka iyo shaqaalaha saaran oo ay heystaan kooxo burcad
badeed ah oo doonaya in la siiyo madax furasho gaaraysa 500,000 oo doolar.
wafdiga ayaa la filayaa in caddaadis ay ku saaraan xukuumada federaalka ee
Soomaaliya in ay ka qeyb qaadayto sii deynta markabka,shaqaalaha saaran
iyo cunnada gargaarka ah uu wado.
burcad badeeda markabka qafaalatay ayaa markabka haysata muddo ka badan
hal bil ayadoo sheeganaya in markabka ay ka doonayaan lacago madax furasho
ah haddii aan lasiinna ay sii haysan doonaan .
Maxamed Cumar Sheekh
Rochester Somali Tv Muqdisho.
|