|
Daladda Culimada Soomaaliyed oo Cambaareysay Maleeshiyooyinka Afduubka ku
haysata Labo Markab oo mid ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyed
Sheekh Nuur Baaruud oo ah kuxigeenka Guddoomiyaha Daladda
Culimada Soomaaliyed ayaa sheegay inuu ka xun yahay falka lagula kacay
Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa hay’adaha gargaarka ee kaalmada u wadaan
Shacabka Soomaaliyed.
Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dadweynaha
Soomaaliya ka hortagaan falkan oo ah mid Qatar gelinayo Nolosha dad badan oo
Soomaaliyed.
“Hadaan nahay Dallada Culimada Soomaaliyed waxaan ka soo
horjeednaa Falka lagula kacay Maraakiibta Shisheeye gaar ahaan kuwa
Ganacsiga iyo kuwa hay’adaha gargaarka, Waxaan leenahay ciddii wax isku
haysa waxaa looga baahan yahay inay wax ka qabtaan Maraakiibta Badda
Soomaaliyed ka dhacaan Kalluunka,laakiin ma aha in la dhaco kuwa Shacabka u
adeega”ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud.
Dhinaca kale Ganacasatada,Culimada kala duwan,Saraakiisha
Ciidamada kala duwan,Ururada Bulshada Rayidka iyo kuwa kale ayaa waxay ugu
baaqeen Burcadd badda inay joojiyaan weerarka ay ku hayan Ganacsiga
Soomaaliyed.
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|