| Dad
lagu dilay Baadi Goobkii cidii kanbaysay dilkii Sarkaalkii Qaramada Midoobay
Maleeshiyooyinka isbaheysiga D/jubba oo ku duulay tuulada Buulo Xaaji oo
ka tirsan magaalada Kismaayo ayaa la sheegayaa in halkasi ay ku dileen dowr
qofood tiro kalena ay ku dhaawaceen saakay waabarigii, iyagoo baadi goobaya
dad lagu tuhunsan yahay in ay ka dambeeyeen dilkii Max'ed Muuse Gurage oo ka
mid ahaa saraakiisha dhinaca amaanka ee Q.M.
Labo ruux oo midu tahay haweeneey ayaa geeryootay halka mid kalena
dhaawac uu soo gaaray ka dib markii isku dhac uu ku dhex maray tuuladaa
Buulo Xaaji maleeshiyooyin ka tirsan isbaheysiga D/Juba oo watay Kolonyo
gawaarida dagaalka ah iyo nin dabley ah, iyadoo ninkaasi uu geeriyooday
Maleeshiyooyinka isbaheysiga D/jubba ayaa waxa ay hareereeyeen saakay
aroornimadii tuuladaasi, iyadoo rasaastii ay la beegsadeen ninkaasi dalbeyda
ah ay ku geeriyootay haweeney halkaasi ku sugneyd.
Ujeedada m,aleeshiyooyinka isbaheysiga D/jubba ayaa waxa ay halkaasi u
tageen sidii ay u soo qaban lahaayeen dad badan oo la tuhunsan yahay in ay
ka dambeeyeen dilkii loo geystay Marxuum Guraage oo 4 tii bishaan lagu
qaarijiyay magaalada Kismaayo.
Labo ruux oo dhaawac ah ayaa la keenya isbitalka Magaalada Kismaayo,
waxaana mid ka mid ah uu ahaa maleeshiyooyinka isbaheysiga D/jubba.
Maleeshiyooyinka isbaheysiga D/jubba ayaa dib ugu soo laabtay magaalada
Kismaayo ka dib markii howlgalo ay ka soo fuliyeen
Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|