Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

Dahir Mire oo kulamo la leh mas'uuliyiin kongereska amarikanka ka tirsan.

Agaasimaha  madaxtooyada dawlada federaalka KMG ah ee Somalia Dahir Mire Jibril oo iminka booqasho ku jooga wadanka Mareykanka ayaa wada kulamo uu la yeelanayo mas'uuliyiin ka tirsan Kongereska Mareykanka asagoo kala hadlaya sidii dawlada amerikanka ay ugu istaagi lahayd ka dhaadhicinta golaha amaanka ee qaramada midoobay qaadida xayiraada hubka ee saaran Somalia.

Mas'uuliyiinta uu kulanka la yeeshay Mr.Dahir ayaa waxaa ka mid ah Senotor Colman asagoo kala hadlay arinta xayiraada hubka ee Somalia saaran iyo sidii dawlada Mareykanka ay  gacan uga geysan lahayd in qaramada midoobay ay ku riixdo qaadida xayiraadaasi oo maanta gelinka danbe la filayo in golaha amaanka ee qaramada midoobay uu ka doodo.

Dawlada KMG ah ee Somalia garabka ku fikirka ah ra'isulwasaare Geedi iyo madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa wada dadaalo ay kaga dhaadhicinayaan xubnaha joogtada ka ah golaha amaanka ah ee qaramada midoobay in ay taageeraan qaadida xayiraadaasi si ay ugu suuro gasho ciidanka afrikanka in ay hub lasoo galaan gudaha Somalia .

Magaalada Muqdisho xubnaha dawlada ee ku sugan kulan ay ku yeesheen maalintii Talaadadii ayay kaga dalbadeen golaha amaanka ee qaramada in aanay qaadin xayiraadaasi hubka oo ay sheegeen haddii la qaado ay keeni karto dhibaato hor leh oo Somalia mar kale ay faraha la gasho.Kuma koobna mas'uuliyiinta dalbanaysa in aan la qaadin xayiraadaasi Somalida oo kaliya balse waxaa kaloo uu dalab kaa la mid ah kasoo yeeray gudiga caalamiga ah ee xalinta khilaafaadka marka magaciisa lasoo gaabiyana loo yaqaan ICG .

Gudigan oo saldhigiisu yahay wadanka Belgium-ka caasimadiisa Brussels ayaa bayaan uu kasoo saaray magaalada Nairobi ee wadanka Kenya waxa uu ku sheegay in xilligan aanu munaasab ahayn in la qaado xayiraada hubka ee Somalia saaran oo haddii la qaado ay taasi keeni karto mushkilad hor leh oo Somalia ka dhacda.Waxaase la yaab leh oo ay dadku isweydiinayaan micnaha uu ku fadhiyo hadalada kasoo yeeraya hogaamiye kooxeedyada wasiirada noqday oo ah in aan la qaadin xayiraada hubka haddii kale dhibaato iyo burbur kale uu wadanka ka dhacayo.

 Dadka reer Muqdisho waxa ay leeyihiin hogaamiyaashan iminka diidan qaadista xayiraada waxa ay ahaayeen kuwa hub ka keensada wadamada deriska ayadoo xayiraadiina ay jirto dabadeedna dadka ku baabi'iya, maxay kaga duwan tahay in la qaado xayiraada maadaama hubka uu Somalia soo galiyo ayadoo weli ay jirto xayiraadii hubka?.

 

Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho

Cadde_8@hotmail.com