|
Sheekh Xasan Daahir Aweys dagaal jihaaad ayaan lagalayna Cid kasta oo
......
![xasan-daahir[1].jpg](http://64.4.56.250/cgi-bin/getmsg/xasan-daahir[1].jpg?&msg=F68FE37A-1C15-4745-9255-C3CA0D895E67&start=0&len=11340&mimepart=5&curmbox=00000000-0000-0000-0000-000000000001&b=15c621b8ca415ecb96007eba0e1f3830&disk=10.1.106.203_d3028&login=abdiwalim&domain=hotmail%2ecom&hm___sig=a60a8de701c5d05ce707b44ef8f170ce3bd24f20fcb03183)
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ah nin si weyn looga yaqaano dalka
soomaaliya ayaa sheegay in dagaal Jihaad ah ay ku qaadayaan ciidan walboo
shisheeye oo cag soo dhiga dalka Soomaaliya.
Sheekh Xasan Daahir, Waan la jihaadeynaa Shisheeye kasto oo lug soo dhiga
Somaliya
Sheekh Xasan oo waraysi uu bixiyay ay soo daabacday Jariiradda Sudan
Tribune ayuu ku sheegay in isaga iyo taageerayaashiisa ay dagaal jihaad ah
ku qaadayaan awood walboo ajanabi oo isku dayda inay soo faro geliso dalka
Soomaaliya.
Sheekh Xasan Daahir oo ka hadlay waxyaabaha reer galbeedku ay isaga ku
tiriyaan ee loogu yeero aragagxisada ayaa sheegay inay tahay waxyaabo ay
abuureen cadowgiisa kadib weerarkii 11-kii September lagu qaaday maraykanka
waa sida uu hadalka u dhigaye.
Isagoo qadka taleefoonka lagu wareeystay xili uu ku sugnaa masaajid ku
yaala waqooyiga magaaladan muqdisho ayuu sheegay in kuwa aan muslimiinta
ahayni ay u arkaan dadka diintooda islaamka ku dhegan inay yihiin argagaxiso.
Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa carabka ku dhuftay in uu kula talinayo
reer galbeedka inay maskaxdooda bedelaan maxaa yeelay ayuu yiri had iyo
gooraale waxay dalalka muslimiinta ugu yeeraan iyo dadka muslimiintaba inay
argagxiso yihiin, taasoo aan run ahayn haba yaraatee wuxuuna inta araaciyay
in ay arintaasi qayb ka tahay waxyaabaha kala fogeynaya dadka reer galbeedka
iyo dunida Muslimka.
Wuxuu kaluu sheegay in isaga iyo taageerayaashiisa ay ku jiraan
maleeshiyooyin hubaysani aysan nasan doonin ilaa dalka Soomaaliya ay ka
dhisaan dowlad Islaam ah wuxuuna intaa raaciyay inuusan marnaba
taageersanayn nidaamka demoqraadiyadda reer galbeedka isagoo ugu baaqay
beesha caalamka inay soomaalida u ogolaato mustaqbalkeeda inay ka arinsato.
Sheekh wuxuu yiri reer galbedku waa inay tix geliyaan fikradaheena aan ku
arinsanayno sida aanu dalkeeeena u maamulanayno, iyo sida aanu aayaheena uga
tashanayno waayo waa xaquuqdeena ayuu hadalkiisa siiraaciyay isagoo weliba
sheegay inay qorshaynayo mustaqbalka inuu soomaaaliya door muuqda ku yeesho.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|