Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Dagaal markale ka bilowday gobolka Shabeelada Dhexe

Afar ruux ayaa ku geeriyootay hal ruuxna waxaa soo gaaray dhaawac kadib markii uu dagaal faraha loga gubtay uu ka dhacay Tuulada Raso oo 80km dhanka waqooyi galbeed kaga began Magaalada Jowhar oo ah Xarunta G/Sh/Dhexe.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa labo beelood oo ka wada tirsan Beesha Gaal Jecel,iyadoo dagaalkan uu noqday mid soo noq noqda, dagaalka u dhaxeeya labadan beelood ayaa waxaa la sheegay inuu daba joogo dagaalo hore uga dhacay tuulooyin ay ka mid yihiin Ganboole iyo Jameeco oo u dhaxeeya isla labadan beelood.

Muddo iminka laga joogo todobaad ayaa waxaa labadan beelood ee hore ugu dagaalamay tuulooyinka Ganboole iyo Jameeco dhex dhexaadiyay Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Max’ed Dheere oo hal googol isugu keenay inuu ku dhex dhexaadiyo.

Dagaalkan mar kale kasoo cusboonaaday beesha Gaal Jecel ayaa la garaneynin sababihii uu dib ugu soo cusboonaaday,wallow ay jirto aanu qabiil oo daba taalay dagaalkii hore u dhacay.

Cusbitaalka Guud ee Magaalada Jowhar ee ay gacanta ku heyso Hey’ada Inter SOS ayaa waxaa la keenay dhaawac hal ruux oo la sheegay inuu yahay mid ka mid ah kooxihii dagaalamay.

Ilaa hada lama oga qasaaro rasmi ah oo uu dagaalkan geystay,iyadoo ay jiraana qoysas fara badan oo iyagu ka qaxay deegaanadaas uu dagaalka ka jiro.

Odayaal iyo nabadoono ka tirsan Beesha Gaal Jecel ayaa la sheegay in ay saaka ka ambabaxeen Magaalada Jowhar si ay u xaliyaan dagaalkaas dhex maraya labada beelood ee ka wada tirsan Beeshaas.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya