| |
Warar dheeraad ah oo ka soo baxay dagaalkii shalay ka dhacay degaanka
Wadgalinsoor.
Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal shalay ka dhacay degaanka Wad
galinsoor ee gobolka G/gaduud, dagaalkaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac
badan.
Dagaalkan oo u dhaxeeyay labo maleeshiyo beeleed oo waayadaan ku
dagaalamayay degaano ka tirsan gobolada Mudug iyo G/gadiid kana soo jeeda
Beesha Habar-gidir ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku geeriyoodeen ilaa 15
ruux halka tirada dhaawaca ay intaasi ka badan tahay.
Dagaalkaan oo dhacay shalay ayaa la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala
duwan, waxaana dadka ku geeriyooday iyo kuwa ku dhaawacmay ay intooda badan
ahaayeen kooxihii dagaalamayay.
Warar aan la xaqiijin oo laga helay degaankii shalay dagaalka uu ka dhacay
ayaa sheegaya in saakay dagaal uu ka dhacay, inkastoo aan la soo sheegin
qasaaraha uu geeystay dagaalkaasi.
Dagaalkaan oo soo noqnoqdey in badan ayaa waxaa fashilmay isku dayo badan oo
lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafka u dhaxeeya beelaha Saleebaan iyo
Sacad oo iyagu dagaalkooda salka uu ku hayo dad aano qabiil ay isaga dileen
labada dhinac
Muxudiin Cali Jimcaale Jakuula
Muqdisho
Jakuula@hotmail.com
|
|