Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Dagaalkii Meer Yaqwa oo la sheegey inta ku Dhimatey iyo Dhaawaca

Dhimashada iyo dhaawacii dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Ceelgumad oo ka tirsan Tuulada Meertuuge ee gooblka Sh/dhexe ayaa lagu soo waraayaa In ay sii Kor Dheyso.

Mid ka mid ah dadka degaanka Ceelgumad oo maanta aynu kula xirriney khadka isgaarsiinta fooneeyaha ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii shalay uu salfaday nolosha ilaa iyo 10 ruux oo ah maleeshiyooyinkii dagaalamayay,iyadoo 4 kalena ay ku dhaawacmeen.

Wararku waxa ay intaasi ku darayaan in qaar ka tirsan maleeshiyooyinka halkaasi ku dagaalamay ay ka duulaan tageen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.

Dagaalkan ayaa waxa uu u dhaxeeyaa maleeshiyo taabacsan Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheer) iyo Maleeshiyo ka tirsan degaanka uu dagaalku ka dhacay, iyadoo dagaalkan uu salka ku hayo khilaaf ka dhashay dhinaca canshuuraadka oo uu soo rogay Maamulka Maxamed Dheere taasoo ay si weyn ugu gacan seyreen dadka degaanka Meertuuge, waxaana arintaasi ay dhalisay gacan ka hadal dhex mara labada dhinac.

Iyadoo xiisadahan ay jiraan ayaa hadana waxaan socon wada hadal lagu dhex dhexaadinayo maleeshiyooyinka dagaalka ku dhexmarayo degaanka Meertuuge ee gobolka Sh/dhexe.


Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya