Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Dagaal gaystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Degmada Yaaqshiid,

Waxaa bilowday isku day lagu doonayo in lagu joojiyo Dagaalkii u dhaxeeyay ciidamada Maxkamada islaamka ee degmada Yaaqshiid iyo maleeshiyooyin degaankaasi ku sugan, iyadoo ay sii xoogeysaneysay rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhginac ka dib markii ay burburtay saakay waan waan la doonayay in lagu joojiyo dagaalka, waan waantaas oo ay wadeen odayaal iyo waxgarad ka tirsan labada dhinac.

Isku daygaan oo ay bilaabeen odayaal iyo culuma udiin ka tirsan labada dhinac ayay ku doonayaan in xabad joojin ay ka dhex sameeyaan ciidamada maxkamada islaamiga ee degmada Yaaqshiid iyo maleeshiyooyin degaankaasi ku sugan, iyadoo dagaalkuna uu si teel teel ah uga socdo goobihii saakay uu ka bilowday dagaalka ee saldhiga degmada Yaaqshiid Gurigii uu ku soo dagay Ra'isulwasaare Geedi markii uu yimid magaalada Muqdisho iyo agagaarkiisa.

Dagaalkaan oo saacado dhowr ah socoday ayaa waxa uu geeystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo tirada dhimashada ay gaareyso 10 ruux oo uu ka mid yahay ilo yar oo rasaas habow ah ay ugu tagtay gurigoooda oo ku yaala Xaafadda Buulo Barrey oo ka tirsan degaanka Suuqa xoolaha, iyadoo isla goobtaasina ay ku dhaawacmeen labo ruux oo dumar ah sida rstv u xaqiijiyeen dadka deegaanka

Ma jiraan ilaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay labada dhinaca oo ku saabsan khasaaraha dagaalkan ka soo gaaray tagay isbitalka Madina ayaa la geeyay ilaa 14 ruux oo ku dhaawacmay dagaaladaasi, kuwaasi oo isugu jira Maleeshiyooyinka labada dhinac iyo dad rayid ah oo rasaas ay ku haleeshay goobta dagaalka, waxaana dhaawacooda uu daran yahay 11 ruux oo ka mid ah dhaawacyadaasi.

Wariye ka tirsan RSTV oo tagay goobta dagaalka ka hor intii aysan bilaaban israsaaseynta ayaaney u suuro galin in ay la kulmaan Gudoomiyaha maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho si ay wax uga ogaadaan waan waanta la doonayay in lagu joojiyo dagaalkan iyo qasaaraha dhinacooda inta uu la eg yahay balse, daqiiqad uun ka dib ayaa waxaa bilowday rasaas xoogan oo kooxaha maleeshiyooyinka ah ay la beegsadeen ciidamada maxkamada islaamiga, iyadoo xaaladuna ay noqotey mid adag oo qof kasta uu doonayay in uu la baxsado nafsadiisa.

Gudoomiyaha Maxaakiimta islaamiga ee magaalada Muqdisho Sheekh Shariif oo saakay wareysi ay la yeelatay RSTV ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uu ka duwan yahay wajigii Shneemooleeyda iyo ciyaal xaafadeedka uuna isku badalay dagaal siyaasadeed, isagoo carabka ku dhuftey in weerar looga soo qaaday saakay Gurigii uu ku soo dagay Ra'isulwasaare Geedi markii uu yimid Muqdisho, waxa uuna xusay in maleeshiyooyinkaasi ay ku hubeysnaayeen gaadiidka dagaalka.

Dagaalkaan oo aan wali si rasmi ah u istaagin ayaa waxaa jira is rasaaseyn teel teel ah oo labada dhinaca ay isku ridayaan, iyadoo dad aad u fara badan ay ka qaxayaan halka dagaalka uu ka socdo.

Dagaalkaan oo saakay bilowday ayaa salka ku haya shineemooyin ay albaabada u laabeen maxkamada islaamiga degmada Yaaqshiid, ka dib holwgal ay shalay ka fulisay degmada Yaaqshiid oo ay ku xir xirtey dhowr shineemo.

Muxyadiin Cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya