| |
Dadaalo lagu doonayo in lagu nabadeeyo xiisadaha ka taagan gobolada dhexe
oo bilaabanaya
Waxgarad iyo siyaasiyiin ka tirsan dhinacyada beelaha maleeshiyooyinkooda ay
ku dirirayaan degaano ka tirsan gobolada dhexe ayaa sheegay in ay haatan
wadaan dadaalo ku aadan sidii loo joojin lahaa dirirta ka soo cusboonaatay
qeybo ka mid ah degaano ka tirsan gobolada
Labadii maalmood ee la soo dhaafay labo isku dhac oo dhex maray maleeshiyo
beeleedyada degaanada Mudug iyo G/gaduud ayay ku dhinteen in ka badan 20
ruux, iyadoo wasiirka horumarinta Miyiga Max’ed Max’uud Guuleed Gacmo Dheere
uu sheegay joojinta dagaaladaan soo cusboonaaday in ay ka jiifaan odayaasha
iyo waxgaradka labada beelood.
Mr.Gacmo Dheere ayaa waxa uu ku baaqay in la joojiyo colaadahaasi, oo uu
sheegay in dhinaciisa diyaar uu u yahay ka qeybgalkeeda, isagoo qirey sii
socoshada colaadahaasi in dhaqaale ay ku bixiyaan dad ka soo jeeda labada
beelood oo dirirta u dhaxeysa oo ku sugan magaalada Muqdisho.
Imaan Xasan Jiirow oo ah Gudoomiyaha gobolka Mudug ayaa waxa uu sheegay in
ay xiriir la sameeyeen dhinaca mas’uuliyiinta ku sugan magaalada cadaado si
gacan looga geysto in aanu dhicin iska horimaad kale, isagoo yiri waxaa
socda is abaabul dhinac walba uu ugu jiro sidii mar kale dagaalo u qaadi
lahaa, isagoo ku eedeeyay shaqsiyaad aanu magacaabin in ay qabaan
qandaraasyo colaada lagu sii hurinayo.
Ugaas C/laahi Ugaas Faarax oo ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha ku
dirirsan degaanada Mudug iyo G/gaduud ayaa muujiyay sida uu uga xub yahay
dirirta mar kale ka soo laabatay degaanadaasi oo tan iyo labadii sano ee la
soo dhaafay ay ka jirtey colaado sababay qasaaro naf iyo maalba leh.
Ugaaska waxa uu sheegay in wada hadal gaar gaar aha magaalada Muqdisho uu
uga socdo waxgaradka labada dhinac horaanta todobaadka soo socda la filayo
in uu ka soo baxo kulan guud oo lagu soo gabogabeeyo sidii gudi wada jir ah
loogu diri lahaa degaanada ay dagaaladu ka socdaan.
Muxudiin Jakuul
Muqdisho
Jakuula@hotmail.com
|
|