|
Dagaal Dad ay ku Dhinteen kuna Dhaawac Meen oo maanta Muqdisha ka dhacay
Dad laugu qiyaasay afar ruux ayaa Ugu yaraan geeriyootay qaar kalena waa
ay ku dhaawacmeen dagal maanta ka dhacay agagaarka xaafadda yaaqshiid ee
magaalada Muqdisho.
Dagaalkan oo u dhaxeeya labo maleeshiyo oo isku heysata gaari uu saaran
yahay Qoriga loo yaqaano Zuuga oo lidka diyaaradaha ah oo ku jira guri uu
lahaa nin ganacsade ah oo lagu magacaabi jirey Marxuum Sheekh Ibraahim ayaa
wararku waxa ay sheegayaan in ay ku geeriyoodeen ilaa 4 ruux halka tiro
intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.
Maleeshiyooyinka isku heysta guriga Zuuga uu ku jiro ayaa waxaa la
sheegay in Qaarkood ay guriga ku jireen halka kuwa kalena ay soo weerareen.
Dadka deggan xafada Yaaqshiid oo goordhaweyd ay laxiriiraty RSTV
ayaa waxa ay sheegeen in wali ay is horfadhiyaan maleeshiyooyinka, iyadoo
aysan jirin wax waan waan ah oo laga dhex wado labadaasi maleeshiyo oo
dagaalka u dhaxeeyo
Muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|