|
Dagaalo dad badan ay ku dhinteen ayaa la sheegaya in saakay ay ka dhaceen
degaanka Ceel La helay.
Dagaalkan oo saakay aroortii bilowday ayaa waxa uu u dhaxeeyay labo
kooxood oo isku heyb ah oo mid ka mid ah ay ka socoto maxkamada warshadda
caanaha iyo koox kale oo sida la sheegay oo laga direy magaalada Muqdisho.
Iska horimaadkaan ayaa lagu soo waramayaa in ciidamada maxkamadu ay uga
dhinteen labo ruux halka maleeshiyada kalena ay uga dhinteen 7 ruux,
inkastoo aan la cadeyn tirada dhaawaca iyo qasaaraha uu geystay dagaalkaasi.
Kooxdii maleeshiyada aheyd ee dagaalka la gashay maxkamada ayaa waxaa
laga qabsaday gaari uu saaran yahay qoriga loo yaqaan Zuuga.
Kooxdaan maleeshiyada ah ayaaka baxday magaalada Muqdisho iyagoo ku
huebsyan 6 gawaari oo kuwa dagaalka ah, iyadoo kooxda maxkamada ay iyana
halkan ka tageen, lamana garanayo iska horimaadkooda waxa uu ka dhashay.
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
|