|
Dagaal ka dhacay xaafada Juungal degnada Yaaqshiid ee magaalda
Muqdisho
Ugu yaraan 3-Ruux ayaa ku dhimatay tiro kalena waxaa ka
soo gaaray dhaawacyo kala duwan kadib markii is rasaaseyn ku dhex martay
Xaafadda Juungal ee Magaalada Muqdisho Labo Maleeshiyo oo halkaasi ku wada
sugan.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ka bilaabaday markii mid ka mid
ah Maleeshiyada xaafadaas ay qorsheysatay inay lacago ka qaatan guriyaha
xaafadaha,lacagtaas oo lagu sheegay inay tahay canshuur, waxaase dalabkaasi
diiday maleeshiyadii kale,iyadoo sidaas ku bilaabaday dagaalka.
Dagaalka ayaa keenay in la isku adeegsado hub kala
duwan,iyadoo lagu kor dagaalamayay caruur iyo dumar sida ay sheegayan
waxgarad ku sugan isla degaankaas oo ka tirsan Magaalada Muqdisho.
Isku dhacan ayaa waxaa uu ku soo aaday xilli maanta guud
ahaan dalka soomaaliya ka bilaabatay Bisha Ramadaan, waxayna tani ka mid
tahay waxyaabaha fowdada laga helay 15-kii sano ee dalka nidaam la;aanta ku
jiray
muxyadiin cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|