Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

dagaal socanaayey shalay iyo maanta ayaa waxaa uu ka dha cayaa deegan ku xeeran degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

14 ayaa geeriyootey 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii labo maleeshiyo beeleed dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan uu ku dhex maray tuulooyinka Raso iyo Mukayle oo ka tirsan degmada Buulo Burde ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ka dhacay deganadaasi ayaa salka ku hayo aano qabiil ka dib markii ee ka imaanaya degaanadaasi ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalkan bilowday shalay socdayna ilaa saakay waabarigii uu iskiis u istaagay,inkastoo wararka qaar ay tilmaamayaan in xiisado colaadeed ay wali ka jirto halkaasi, mana jiraan wax waan waan ah oo laga dhex wado dhinacyadaasi.

Odayaal iyo Cuqaal ka tirsan degaanka Raso ayaa waxa ay ku eedeeyeen dagaalkaasi dib uga qarxay degaankaasi in ay ka dambeeyaan hurintiisa qaar ka mid ah wasiirada dowladda FS ee ku sugan Jowhar.

Dagaaladan iminka dib uga soo cusboonaada degaanada Raso iyo Mukayle oo u dhaxeeya labo beelood dhowaan dhinacyadaasi ay iska dileen dad sida ay RSTV u sheegeen ilo Muhiim ah oo ku sugan degaanka Raso ee degmada Buulo burde.

Wararkii ugu dambeeyay oo halkaasi wada dega ayaan aheyn markii ugu horeysay oo labadi dhinac ay dagaalamaan, iyadoo dhowaan dhex maray labadaasi beelood heshiis laga gaaray ka dib markii odayaal iyo waxgarad ay ku baxeen.

Muxyadiin Cali jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somalia