Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

Dagaalada Goboloda Mudug Iyo Galgaduud kulan loogu hadli lahaa ayaan qabsoomin..

   Kulankaan oo lagu waday in uu ka dhaco hooyga uu degan yahay Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeenta Mr. Cusmaan Xasan Cali “Caato” oo looga hadli lahaa sidii loo nabadeyn lahaa labadii beelood ee waayahaanba dagaalada ku dhexmareen gobolada Mudug Iyo Galgaduud ayaa qabsoomi waayay.

Kulankaan oo shalay lagu waday in uu ka dhaco Hooyga uu degan yahay Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeenta Cusmaan Xasan Cali “Caato” ayaa waxa uu u qabsoomi waayay lagu sheegay in ay maqnaayeen oo aynan soo xaadirin xubno isugu jira gudigii dhexdhexaadinta, iyo xildhibaanada beelaha dagaalamay, oo la filayey iney kulankaasi goobjoog ka ahaadaan.

Ujeeda ugu muhiimsaneed ee kulankaasi loo qaban qaabiyay ayaa waxa ay aheed in gudiga dhaxdhaxaadinta ka wada laba beelood ee dagaalka u dhaxeeya ay ku wareejiyaan howlahoodii dhaxdhaxaadnimo xubnaha laba gole ee dowlada FS ee ku sugan Muqdisho kana soo jeeda beelihii ku dagaalamay Galguduud iyo Mudug.

Kulankani ayaa waxa uu daba socday kulamo hore muqdisho lagu qabtay oo loogu arinsanayay sidii xal waara loogu heli lahaa dagaalada ka socda Gobalada Mudug iyo Galgaduud ee bartamaha soomaaliya.

Haddaba ilaa iminka lama cadaynin waqtiga la qabandoono kulankaan shalay baaqday.

Gadiidka dagaalka qaar ka mid ah ee dhawaanahaan u ambabaxey deegaano ka tirsan gobolka Bakool ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo.

Gawaaridaan tiknikada ah ayaa tiradooda waxa ay gaaraysaa ilaa shan “5”, iyadoo maleeshiyaadka saarana ay ka mid ahaayeen kuwo gurmad ugu qeyb galay dagaaladii dhawaanahaan ka socday tuulada Caato ee ka tirsan Gobalka Bakool, sida uu soo sheegayo saxafi madax banaan oo iminka ku sugan magaalada baydhabo laguna magacaabo Xasan Kashka.

Maleeshiyaadkaan ayaa 13-ka bishaan June ka ambabaxeen magaalada Baydhabo iyadoo dagaalkii ay ka qeyb galeen oo ay ku geeriyoodeen in ka badan Labaatan iyo labo “22” qofood tira kalana oo aad u fara badan uu dhaawac kasoo gaarey.

Arintaan soo noqoshada maleeshiyaadkaan iyo tiknikadooda ayaa waxa ay ka dambeysay ka dib markii ay  odoyaasha labada dhinac ee dagaalka dhaxmaray kulan yeesheen si loo xasiliyo dagaalada si ba’an waxyeelada geestey ee ka socday tuulada Caato ee ka tirsan G/Bakool.

 Xildhibaan Xaabsade oo saxaafada Muqdisho wareysi siiyay kol hore markii ay ka ambabaxayeen maleeshiyadaan magaalada baydhabo ayaa wax uu sheegay in ay gurmad u yihiin mid ka mid ah maleeshiyaadka halkaasi ku dagaalamayaan, gaar ahaan kuwo uu sheegay in ay ka soo jeedaan degmada Rabdhuure, si loo badbaadiyo ayuu yiri Shacabka ku dhaqan tuulada Caato oo halkaasi lagu laayay.

Isku soo duuboo tuulada Caato oo iminka ku sugan yihiin odoyaal ka soo jeeda laba dhinac ee dagaalka dhaxmaray ayaa xaaladeeda degan, ma jiraan wax ululuf duulaan ah ama xasilooni daro ah oo halkaasi ka aloosan, iyadoo maleeshiyaad is hor fadhiyana la kala qaaday.  

 

Wariye
Abdifitahaam Ahmed
Rochester Somali TV
Mogadishu - Somalia