|
Dagaal
dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay mel ku dhow deegaanka Kuunya
barrow ee g/sh/hoose
Wararka ka
imaanaya deegaanka Kuunya Barrow ee gobalka Shabeellaha hoose ayaa shegaya
in ilaa iyo 3 ruux ay ku geeriyoodeen in kabadan 4 kalana ay ku dhaawacmeen
dagaal ka dhacay meel dibada ka ah deegaankaasi,iyadoo sidoo kalan dagaalku
uu sababay dhibaatooyin kale oo kala duwan.
Dadka
geeriyooday iyo kuwa dhaawacmayba waxaa ay ka tirsanaayeen dadka deegaanka ,sida
wararka halkaa laga helayaahi ay shegayaan,waxaana dagaalkaa oo dhacay saaka
waaberigii uu ka danbeeyay kaddib markii labo ka mida daka xoolo dhaqatada
ah ee halka daga shalay gellinkii danbe dhaawacyo la gaarsiiyay.
Guddoomiyaha
degmada Baraawe iyo masuuliyin sarsare o ka tirsan maamulka gobalka oo wata
ciidammo farabadan ayaa isla saakaba gaaray deganka si ay wax uga qabtaan
colaadda halkaa ka kirta oo inta dbadan dadkii daganaana ay ka qexeen.
Maamulka gobalka
shabeelaha hoose ayaa sheegay in gellinkii danbe ee shalay uu go’aan ku
gaaray in labada dhinaca uu kala dhexgalo ,iyadoo walina aaney jirin wax
odayaal ah oo u istaagay wax ka qabashada dhibaatadooyinka colaadeed ee ka
taagan Kuunya barrow ilaa iiyo Heejow maxaas
Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho
Cadde_8@hotmail.com
|