Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Dagaal socday muddo saacado ah ayaa dhex maray labo beelood oo wada dagta gobolka Hiiraan

Dagaalkan dhex maray labadan beelood ee wada daga gobolka Hiiraan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Baladweyne eexarunta gobolka Hiraan tuulooyin dhanka galbeed dhanka galbeed ka xiga.

Dagaalkan ayaan la ogayn sababta rasmiga ah ee keentay laakiin waxaa lagu soo waramayaa in ka dhexeeyo labo beelood oo dhowr jeer oo hore u wad dagaalamay.

7 ruux ayaa ku geeriyootay tiro aan la ciyiminna dhaawac ayaa kasoo gaaray dagaalka ka dhacay tuulooyinkaasi dhanka galbeelda ka xiga baladweyn.

odayaasha dhaqanka iyoWax garadka gobolka Hiiraan ayaa durba u dhaqaaqay daminta colaada soo cosboonaatay iyadoo maamulka gobolka Hiiraanna uu ugu baaqay labada dhinac idagaalka dhexeeya ay wadahadal ku dhameeyeen.

Booqasho la filayay in deeganada uu dagaalku ka socdo uu ku tagi gudoomiye ku xigeenka gobolka Hiraan Xusen Xasan Cumar ayaa dib u dhacay sababo la xiriira dagaalkan halkaasi kasoo cusboonaaday.

Maxamed Cumar Shiikh.

Rochester Somali Tv,Muqdisho.

Mcadde@rstvonline.com.