Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   
Dagaalo cusub oo ka dhacey Shabeelada dhexe
 
 Dagaal bilowday saqdii dhexe ee xalay socdayna ilaa waabarigii saakay laguna kala qabsaday gaadiidka dagaalka ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay degaanka Mirtaqwo oo ka tirsan degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe.

Ilo Xog ogaal ah oo ku sugan deegaan kaasi ayaa RSTV u xaqiijiyay in iska horimaadkaasi oo u dhaxeeya maleeshiyo taabacsan maamulka gobolka Sh/hoose ee uu hogaamiyo Maxamed Dheere iyo maleeshiyooyinka degaankaasi.

Dagaalkan oo intii uu socday la isku  adeegsadey  hub gacmeed iyo tigniko ayaan faahfaahin dheeraad aha laga helin qasaaraha dhabta ah ee uu geeystay marka laga reebo labo ruux oo dhimasho ah iyo tiro dhaawac ah oo labad dhinac ah.

Dagaaljan ayaa wararku sheegayaan in uu ka bilowday Suuqa degaanka Meertaqwe ka dib markii maleeshiyada Maxamed Dheere ay damceen in ay canshuur ka qaadaan ka dibna maleeshiyadii kale ee degaanka ay arintaasi iska hor istaageen.

Dagaalkan oo xalay 10 kii habeenimo bilowday ayaa istaagay waabarigii saakay, iyadoo wali ay is horfadhiyaan dhinacyadii dagaalamay inkastoo la filankaro in uu iska horimaad mar kale uu dhexmaro labada dhinac

dagaakan ayaana aheyn kii ugu horeeyey iee ka dhaca miirtaqwe haatan kahor ayaa mid kamida maamula shabeelada dhexe oo haystey maaliyda miirtaqwe ay rasaas ku dileen maleeshiyo u dhalatey degaankaasi maamulkana uu u direy ciidamo abniga suga balse aan la qaban dadki falkaasi geys tey

 

Muxyadiin Mali Jimcaale jakuula 
Muqdisho Somaliya