Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dagaal xoogan ayaa lagu soo waramayaa in goor dhaweyd oo maanta duhurkii ah ka dhacay degaanka Kunyo Barow ee gobolka Sh/hoose,

Labo ruux ayaa ku geeriyootay 4 ruux oo kale dhaawacyo ka dib markii maanta maleeshiyooyin hubeysa oo xoolo dhaqato ah ay weerar gaadmo ah ku qaadeen dad ku noolaa tuulada Kunyo Barow oo ka tirsan degmada Baraawe ee gobolka Sh/hoose.

Waxaan halkaasi oo ay ku dagaalameen labo Beelood,iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in gacan ku heynta degaankaasi ay la wareegeen maleeshiyooyin aad u hubeysan oo halkasi ku soo duulay.

Dagaalkaasi oo sababay in dadka ku nool tuuladaasi ay gabi ahaanba ka cararaan degaanadii ay ku noolaayeen ayaa gacan ku heynta guud ee tuuladaasi lagu soo waramayaa in ay la wareegeen maleeshiyooyinka halkaasi weerarka ku qaaday.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi oo xaaladooda caafimaad ay aad u liidato oo soo gaaray isbitalka degmada Buulo Mareer ayaa Dhaqaatiirta isbitalkaasi ay sheegeen in aysan waxba ka qaban karin xaaladooda caafimaad, iyadoo loo soo galbiyay isbitaalada magaalada Muqdisho

Si kastaba ha ahaatee dagaalada ku soo noq noqdey degmada Baraawe ayaa salka ku hayo dilal loo geeystay dad rayid ahaa dabayaaqadii bishii September ee tagtay, kaasoo markii dambena isku badashay dagaalweyn oo dhex mara labo beelood oo wada dega degaankaasi..

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya