Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

  Dagaal galabta ka dhacay agagaarka wasaarada gaashandhiga ee magaalada Muqdisho

Sida ay RSTV u xaqiijiyeen qaar ka mida dadka deegaanka oo ay la xiriirtay 4 ruux ayaa ku dhimatay 11 kalana waa ay ku dhaawacantay dagaal rasaas xoogan la is weydaarsaday oo galabta casirkii ka dhacay agagaarka Wasaaradda Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho.

Dagaalkan ayaa goobjoogayaashu inoo sheegeen inuu u dhaxeeyay Maliishiyaad iyo Maxaakiimta islaamiga ah ee ka howl gasha magaalada Muqdisho kadib markii ay isku qabteen gaari sida la sheegay ay maliishiyaadku soo dhaceen.

weli waxaa soconaya rasaasta ka dhacda qoryaha kala duwan, mana jiraan illaa hadda dadaalo lagu doonayo joojinta xiisaddan dhimashada keentay. Mas`uuliyiinta maxaakiinta islaamiga ah ayaan illaa hadda ka hadlin dagaalkan, isla markaasina ka gaabsaday dhimashada dhankooda ah, haddiiba ay jirto. Si kastaba ha ahaatee waxaa muddooyinkan danbe soo baxayay dagaalo ay isaga hor yimaadaan maliishiyaadka aan cidna ka amar qaadan iyo maxaakiinta islaamiga ah.

Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula

Muqdisho Somaliya

jakuula@hotmail.com