|
Dagaal dhimasho iyo dhaawac abuuray oo ka dhacay magaalada Baydhabo ee G/Bay
Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa
sheegaya in halkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa laba ruux halka ay ku
dhaawacmeen illaa todobo ruux oo kale iska hor imaad ka dhacay Bartamaha
suuqa weyn ee magaaladaasi.
Dagaalkan ayaa wararku sheegayaan inuu salka ku hayo dhac ay doonayeen
dhinac ka mida maliishiyaadka dagaalku uu dhex maray, waxaa jira warar kala
duwan oo ka soo baxaya qasaaraha goobtaasi ka dhacay maanta.
Dhinaca kale waxaa duleedka magaalada Baydhabo xalay ka dhacay arin la yaab
leh kadib markii nin lagu gowracay sabab la sheegay inay la xiriirto Aanno
Qabiil, waxaana dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ay inoo sheegeen inay la
yaab ku noqotay dhacdadan.
Waa falkii ugu horeeyay ee noocaan ah ee ka dhaca magaaladaasi muddo ku dhow
sedax sanadood,iyadoo dhowr jeer oo hore ay falal noocaan oo kale ah ay ka
dhaceen.
Muxyaddiin Cali Jimcaale Jakuula
jakuula@hotmail.com
Muqdisho Somalia
|