| Dadka
soo barakacay oo Shacabka iyo Ganacsatada ka codsadey inay u gar gaaraan
Dadka soo barakacay ee ku nool xeryaha magaalada Muqdisho iyo qaxootiga
iyaguna ka soo qaxay dalalkoodii ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka
codsaday shacabka Soomaaliyeed iyo ganacsatada ku dhaqan gobolka Banaadir
inay caawiyaan. Codsiga dadkan ayaa la xiriira bilashada bisha barakeysan ee
Ramadaan oo ay sheegeen inaysan heli karin Afurka, isla markaasina laga
doonayo Soonka, waajibna uu ku yahay, dadkan oo isugu jira Qaxooti ka kala
yimid wadamada deriska la ah Soomaaliya oo islaam ah iyo kuwo dagaaladii
gudaha ku soo barakacay ayaan heysanin innaba wax nolol ah oo ay uga bixi
karaan bisha ramadaan
Muxyadiin Cali Jimcaalle Jakuula
Muqdisho Somaliya
jakuula@hotmail.com
|