Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 

 

Dad ku dhaawacmay shil gaari oo xalay ka dhacay meel ku dhow degmada Cadale ee gobalk shabeelaha dhexe.

 Wararka ka imaanaya gobalka hsbeellaha dhexe ayaa sheegay in ugu yaraantii 5 ruux ay dhaawacyo kaladuwani soo gaareen kaddib markii xalay gaari ay la socdeen uu ku rogmaday inta u dhexeysa degmooyinka Cadale iyo Warsheekh ee gobalka Shabeellaha dhexe.

 Gaariga rogmaday ayaa noociisu yahay Land rover ayaa shalay gelinkii danbe ka ambabaxay  xaafadda Suuqbacaad ee magaalada Muqdisho waxaan uu ku sii jeeday oo jihadiisu ahayd degmada cadale oo ka tirsan gobalka Shabeelaha dhexe.

 Dadka shilkan gaari ku dhaawacmay  oo u badan dad da’ ah una ku jiro wadihii gaariga oo ka jabay gacanta midig ayaa xalay goor danbe dhaawacooda xalay gellinkii danbe  lasoo dhigay isbitalka Madiina ee magaaalada Muqdisho,halaaksoo lagu daweynayo

 Dadka hgaatan lagu daweynayo isbitlka Madiina ayaa u badan dad qaba dhaawacyo ka soo gaaray shilal gaari oo ka kala dhacay  magaalada gudeheeda iyo  goballada ku dhow dhow magaalada Muqdisho,maadaama xiiligan aaney jirin wax dagaallo ah oo Muqdisho gudeheda ka socda .

 

Maxamed Cumar Sheekh (Maxamed Cadde)
Rochester Somali Tv Muqdisho

Cadde_8@hotmail.com