| dad
ku nool degaanka Xagar oo ka tirsan gobolka J/hoose ku sumoobay Shidaal ay
isticmaaleen.
Dadkaan la sheegay in ay ku sumoobeen shidaalka ayaa tiradoodu ay
gaareysaa ilaa 20 ruux oo isugu jira Dumar iyo Caruur, iyadoo ay waxyeelo ka
soo gaartay ka dib markii ay u adeegsadaan shidaalkaan Feynuusyaha la shito
habeenkii, iyadoo wararku ay xaqiijinayaan gaaskan markii ay ku shubeen
Feynuusyaha uu ka soo baxay uumi aad u wasaqeysan oo ay ku doorsoomeen
dadkaasi.
Shidaalkaan ayaa waxaa la sheegay in uu ka soo galay degaanka Xagar
dhanka magaalada Kismaayo oo ay ka soo iibsadeen ganacsato, waxaana wararku
intaasi ay ku darayaan in shidaalka marka la furo fuustada uu ku jiro uu ka
soo baxayo Oxygen badan oo dadka ay dhibeyso neefsashada, iyagoo mararka
qaar ay hunqaacayaan sida uu u xaqiijiyay shabakada warbaahinta Dr. Max’ed
C/laahi Xuseen oo ah xeeldheere caafimaad oo ku sugan degmada Xagar ee
gobolka J/hoose oo nagula soo xiriirey khadka isgaarsiinta fooneeyaha.
Dr.Max’ed C/laahi Xuseen waxa uu faah faahin ka bixiyay qaabkii dadkan ay
ugu sumoobeen gaaska in ay tahay markii ay ku shiteen feynuusta saacad ka
dib markii ay jiifteen in qaacii feynuusta ay ku neef qabatoobeen kadibna,
iyagoo suuxsan la arkey. Haatana ay yihiin kuwo xaaladooda caafimaad ay aad
u liidato.
Waxa uu intaasi ku daray in gaaskaan qeyb ka mid ah loo qaaday magaalada
Nairobi ee wadanka Kenya sii loo ogaado waxa ku jira, isagoo ka codsaday
maamulka isbaheysiga D/jubba in ay ka hortagaan iibashaada shidaalkan lagu
sumoobayo si ay u badbaadaan in badan oo ka mid ah bulshada ku nool gobolada
Jubooyinka.
muxyadoon cali jimcaalle jakuula
jakuula@hotmail.com
muqdisho somaliya
|