Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Dad si gooni gooni ah loo Dilay magaalada Muqdisho

Ugu yaraan 2 ruux ayaa ku geeriyootay laba kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari Bl ah iyo Mooto ay isugu dhaceen Isgoyska Afarta Jirdiino ee Magaalada Muqdisho .

Shilkani ayaa dadka ku geeriyooday ay ahaayeen arday ka timid goobo ay wax ka baranayeen sida ay shaaciyeen dad goob joogayaal ah , waxaana dhaawacyada dadkaasi loo gudbiyay goobaha Caafimaadka halkaasi ka dhowaa.

Shilkani ayaa loo aaneynayaa tababar xumada heysata darawalada iyo wadooyinka qaar ee Muqdisho oo ku burburay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay .

Dhinaca kale gabar yar oo ka soo jeeda Gobolada bay iyo Bakool ayaa maanta duhurnimadii u geeriyootay xabado ay fureen Ilaalada Maxkamadda Islaamiga Degmada Howlwadaag ee Muqdisho , iyadoo falkani si weyn ay u cambaareeyeen bulshada rayidka .

Ilaalada iyo ciidamada Maxaakiimta Islaamiga Muqdisho ayaa ahaa kuwa maanta Isgoyska Howlwadaag ku ceyrsanayay kooxo maleeshiyaat hubeysan , waxaana la tilmaamay in falka ay ku dilaan dadka rayidka ah aaney aheyn kuwa kooban , iyadoo la xusay in adeegsiga qoriga caaradii ay tahay midka ay ku edbinayaan darawalada baabuurta Blka ah , ardayda wiilal iyo gabdho ee iska doon doona labiska reer Galbeedka iyo awood ku maquuninta Rugaha shineemooyinka , iyadoo dadka qaar ay sheegeen inay muhiimad ku fadhido howlgalada amaan ee ay qaadaamn Maxaakimta Islaamiga ah .

Muxyadiin Cali jimcaalle Jakuula

jakuula@hotmail.com

Muqdisho Somaliya