Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

                                                  WAR DEG DEG AH

In ka badan 37 Ruux oo soomaali ah ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen bada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Yemen, ka dib markii laga daadiyay si ula kac ah doontii ay saarnaayeen.Dadkaan oo u socdeen dalka Yeman, ayaa waxay u badnaayeen hooyooyin iyo caruurtood waxaa kaloo wararka lagu xaqiiyay in ay saarnaayeen hooyooyin uur lahaa iyo caruur aad u yareyd badankood.

Waxaa kaloo wararka lagu sheegay in ay dadkaan doonida ka daadiyeen bad maaxiin Soomaali ahaa oo doonta ay la socdeeen fuushnaa.

Muhaajiriinta Soomaaliyeed ayaa inta badan isku daya inay gaaraan dalka Yemen iyagoo ka cararaya dhibaatooyinka dalka Soomaaliya ka jira waxayna qaarkood u sii gudbaan Sucuudiga in kastoo ay marar badan la kulmaan musiibooyin noocan ah.

Mana cada ilaa haatan sawabta ay u daadiyeen shaqaalaha doontani dadkii rakaabka ahaa ee doonta saarnaa laakin wararka soo socda ee arintaasi ku aadan ayaynu ku faahfaahin doonaa.

 

Wariye
Abdifitahaam Ahmed
Mogadishu - Somalia


E-mail:
abdifitahaam@hotmail.com