Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

   

Markab Kaluumaysi oo kooxo Dableey ahi ay ku Qafaasheen Xeebaha marka ee G. Sh.hoose

Markab lagu sheegay in uu yahay kuwa kaluumeysiga ayaa lagu soo waramayaa in dabley hubeysani xalay ay ka afduubteen badda gobolka Sh/hoose, markabkaasi oo al sheegay in loo kaxeeyay badda Xarar-dheere ee gobolka Mudug.

Sida aynu ka soo xiganay ilo xog ogaal ah oo ku sugan degmada Xarar-dheere ee gobolka Mudug ayaa rstv waxa ay u xaqiijiyeen in maleeshiyooyin ka soo jeeda degmada Xarar-dheere ay xalay markab kuwa kaluumeysiga ah ay ka soo afduubteen badda gobolka Sh/hoose.

Markabkaasi ayaa la sheegin magaciisa iyo dalka uu ka diwaan gashan yahay, inkastoo maleeshiyooyinka qabsaday ay ka soo jeedaan Xarar-dheere ayaa waxaa meesha laga saaray in ay yihiin kuwii horey u qabsaday markabka MV Semelow iyo Ibnumatuta balse ay yihiin maleeshiyooyinkaan kuwo hor leh.

Maleeshiyooyinka degmada Xarar-dheere ayaa waxa ay shaqo ka dhigteen afduubka maraakiibta aya ka soo qabanayaan xeebaha Soamliya inkastoo markabka MV Semelow uu ahaa markabkii ugu waqti dheeraa ee la heeystay.

Markabkaan iminka ay qabsadeen maleeshiyooyinka Xarar-dheere ayaa waxaa la sheegay in caawa uu ku soo wajahan yahay badda Xarar-dheere ee gobolka Mudug, waxaana uu noqonayaa markabkii 5aad ee maleeshiyooyinkaan ay afduubtaan, iyagoo ka doonaya in madax furasho ay ka qaataan.

Dhinaca kale wararka laga helayo degmada Xarardhere ayaa waxa ay sheegayaan in roob xoogan uu ka bilowday galabta, iyadoo ilaa caawa uu da'aya lamana soo sheegin waxqasaare ah uu gaystay

muxyadiin cali jimcaalle jakuula

jakuula@hotmail.com

muqdisho somaliya