Back Home Welcome to Rochester Somali TVAbout RSTVSomali Community Sports  Watch Here RSTVContact usCommunity NewsNavigation Bar

 
Muqdisho oo si weyn loo hadal hayo Cudurka Aids-ka Bukaano uu Sooritayna ay Joogaan

Ku dhowaad illaa boqol arday oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho ayaa ka qeybqaatay seminaar lagu baranayo halista cudurka loo caalwaayay ee aids-ka iyo sida loogu sameyn karo bulshada wacyi gelin buuxda.

seminaarkan oo lagu casuumay qeybaha kala duwan ee saxaafadda magaalada muqdisho ayaa waxaa soo agaasimey Hay`adda Somali Society Developmenta Association ee marka la soo baabiyo loo yaqaano (Sosda) oo xarumo ku leh magaalooyinka Muqdisho iyo Gaalkacyo ee gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Maamulka hay`addaasi Maxamad Sh. C/raxmaan (Abkow) ayaa RSTV u sheegay inay howshan bilaabeen dabayaaqadii sagaashameeyadii, waxaana uu sheegay in ilaa hadda ay qabteen howlo balaaran oo lagu faani karo, isagoo cadeeyay inay la kulmeen dad Soomaali ah oo qaba cudurkaas, waxaan uu tilmaamay in illaa haatan ay gaarayaan tirakoobka ay hayaan 13 ruux, isagoo xusay in dadkan bukaanka ah ay isugu jireen Xaasas iyo weliba Dhalinyaro.

Mar aanu wax ka weydiinay sida iyaga ay ugu suuragasho ogaanshaha dadka la il daran cudurkan, waxaa uu sheegay inay la kaashadaan Isbitaalada waaweyn ee ku yaala magaalooyinka, sidoo kale waxaa uu tilmaamay inay dadka u sheegaan goor walba in loo arko dadka cudurkan qaba kuwa aan dhib u keeneyn bulshada sida xiliyada Jiifka iyo Cunada intaba, waxaan uu sheegay in loo baahan yahay in Bukaanada Aids-ka loo arko dad caadi ah.

Maxamad abkow ayaa sidoo kale ku nuuxnuuxsaday in inta badan cudurkani uu uga yimid soomaliya wadamada deriska la ah sida ethiopia iyo kenya oo uu sheegay inuu aad uga jiro cudurkani, waxaana uu carabka ku adkeeyay in wacyigelintu ay qeyb la taaban karo ka ciyaareyso hakinta cudurk Aids-ka

Seminaarkan ayaa waxaa uu ka mid yahay seminaaro door ah oo maalmahan lagu qabanayay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo sida badan looga hadlayay qatarta uu leeyahay cudurka aids-ka iyo saameynta uu ku yeesho jiritaanka umadaha, waxaana uu seminaarkani socon doonaa maalmaha soo socda.

Muxyadiin Cali Jimcaalle jakuula
Muqdisho Somaliya